
Muqdisho, Iyadoo maalintii shalay ahayd ay soo baxeen wararka sheegaya in uu guddoomiyihii Golaha Shacabka Dawladda F. Soomaaliya Md. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari uu iscasilay ayaa markii u horreysay uu maanta saxaafadda ka soo hormuuqday isagoo u xaqiijiyay in uu xilka ka degayo.
Guddoomiye Jawaari oo hadal kooban ka jeediyay shir jaraa’id oo ka dhacay xarunta madaxtooyada isagoo uu garab taagnaa Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu xilka ka degi doono maalinta berri, si uu ammaanada dib ugu celiyo xubnaha Golaha Shacabka ee horay u soo doortay.
Madaxweynaha JF Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna erayo kooban goobta ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay go’aanka uu qaatay Md Jawaari.
“Go’aanka uu qaatay Guddoomiye Jawaari waa mid taariikhi ah, wax shuruud ahna kuma xirin, waxaan u rajaynaa inuu sii wado dadaalada uu ku bixiyay dowladnimada Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Maalinta berri oo Arbaca ah ayaa la filayaa in guddoomiye Jawaari uu hadal u jeedin doono xubnaha Golaha Shacabka isagoo halkaa istiqqaladdiisa ku dhiibi doona.
Lama saadaalin karo in iscasilaadda Jawaari ay soo afjari doonto khilaafkii ka dhex aloosnaa baarlamaanka iyo xukuumadda amaba ay sababi doonto in ay galaafato mas’uuliyiin kale oo baarlamaanka iyo xukuumadda ka tirsan.
WardheerNews, Muqdisho.