Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Norway ayaa magaalada Oslo kula kulmay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.
Furitaankii kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa khudbbad qiimo badana ka jeediyey wasiirka arimaha dibada ee dalka Norway Espen Barth Eide waxaana khudbad uu goobta ka jeediyey ku muujiyey sida ay Dowladda Norway ugu faraxsantahay isbedellada hormarineed ee ka jira dalka Soomaaliya iyo iney dowladda Norway ka go’antahay taageerro dhab ah iney u fidiso Soomaaliya.
Xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway oo iyaguna madasha khudbaddo ka jeediyey ayaa aad u ammaanay isbedelka cusub ee ay la yimaadeen Madaxda Sare ee Dalka iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyaba waxaana ay Jaalliyaddu bogaadiyeen guullaha dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka ah ee ay Dowladdu gaartay.
Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka khudbad ka jeedisay ayaa tilmaantay iney aad ugu faraxsantahay dareenka ay muujiyeen Soomaalida Norway waxaana ay Xildhibaanaddu tilmaantay in fariinta ay Jaalliyadda usoo dhiibeen ay wafdigu kula soo laaban doonaan gudaha Dalka gaar ahaanna Baarlamaanka.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Gudoomiyaha Gudiga Amniga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana horey u ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga Dowladdi KMGka aheyd oo isaguna madasha khudbad ka jeediyey ayaa aad ugu dheeraaday guullaha dhanka ammaanka ah ee ay Dowladdu gaartay waxaana uu qurba joogta ku booriyey iney taageerro la garab istaagaan Ciidammada Xoogga Dalka ee cadawga ka difaacaya dalka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn u mahad celiyey Dowladda Norway sida ay u garab taagantahay shacbiga iyo dowladda Soomaaliyeed lagasoo bilaabo mudadii uu dalka ka dhacay bur burka ilaa hada oo uu Dalku yeeshay Dowlad aan KMG aheyn.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku booriyey qurba joogta Soomaaliyeed gaar ahaanna Jaalliyadda reer Norway iney dib ugusoo laabtaan dalkooda islamarkaana ka qeybqaataan hormarka iminka umaddu hiigsaneyso ayada oo lagama maarmaan ay tahay iney maanka ku hayaan in isku duubni lagu gaari karo hormar.
Kulanka oo ka dhacay hool weyn oo ku yaala bartamaha caasimadda Dalka Norway ee Oslo ayaa kusoo idlaaday jawi aad u wanaagsan waxaana xusid mudan in intii kulanka uu socday Gudoomiyaha Baarlamaanka la gudoonsiiyey Billad Sharaf ayadoo dhanka kalena ay Jaalliyadda iyo Wafdiga Gudoomiyaha ay dhexmartay dood xiisa leh.
Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hogaaminayo ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiyeyaasha 15ka gudi ee Joogtada ka ah Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Gudoomiyaha waxaana wafdigu ay maanta hortagi doonaan Baarlamaanka dalka Norway.
—-DHAMAAD—-
Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka
Leave a Reply