Garoowe (WDN)- Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa qori-tuur u sameeyey maalmaha Ololaha Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland.
Qoraal lagu baahiyey barta Facebook-ga ee Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa lagu sheegay in maanta uu guddigu sameeyey qori tuur, looga golahaa sida ay ururada siyaasadda Puntland ugu kala horaynayaan maalmaha ol’olaha.
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo kulan la yeeshay Ururada Siyaasada Puntland, ayaa u qabtay qori-tuurka maalmaha olalaha Doorashada oo ay si nasiiba u kula qaateen sida ay u kala horeeyaan Saddex-da wareeg ee ololaha, iyad aoo ururkii aan wakiiilad ujoogin waxaa maalmaha ol’olahooda u qaaday Guddiga.
Guddiga ayaa sheegay in dhowaan la baahin doono taarikhda ay ku beegmayso maalmaha ololaha, iyadoo la raacayo sida ay qori-tuurka ugu kala horeeeyaan ururadu.
Doorashooyinka golaha deegaanka Puntland ayaa dhacaya 25ka bisha May 2023-ka.
Ururadu ayaa u geli doona ol’olaha doorashada sida jedwelka hoos ku xusan:

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews
