Guddiga doorashooyinka ee maamul goboleedyada oo ka horyimid go’aankii guddiga heer Qaran

Muqdishu (WDN)- War saxafadeed ay si wada jir u soo saareen guddiyada doorashooynka ee maamul goboleedyada, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug, ayaa lagu sheegay in aanay jirin dib ugu noqosho ku aadan natiijooyinkii ay ka soo saaren doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka. Warsaxafadeedkaasi ayaa lagu sheegay:

“Ugu horreyn waxaan madaxda MHQ, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaageynaa qodobbadan hoose: GXKHD go’aankooda iyo habka dacwo qaadistuba ma waafaqsana Qodobka 14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD oo dhigaya kulamada guddiga oo lagu dhageeysanayo dacwadaha waa inuu ahaado mid u furan dhinacyada ay khuseeyso, Goob-joogayasha caalamiga ah iyo kuwa gudaha. Haddabba maaddaama kulankii ay yeesheen GXKHD 14/12/2016 aan loo marin habraaca ku xusan qodobka

somelect
Doorashada Soomaaliya

14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD, taas waxay caddeyneysaa in ay gaareen go’aamo suuq madoow ah”.

Arimahan ayaa laga yaabaa in ay mar kale dib dhac u keenaan jedwelka doorashada xubnaha iyo godoonka Golaha Baarlamaanka, iyada  Madashu ay horey u sheegtay in:

” Xildhibaanada labada Aqal waa in la qabtaa 15.12.2016″.

Waxa iyana soo baxay warar sheegaya in xubnahaasi ay Guddiga heer Qaran laalleen, aynan ku jirin qeybta taageersan Xasan Sheekh, oo in kasta oo dacwado qaar ka mid ah laga keenay, haddana aanay guddigu ku darin liiska ay soo saareen.

Shirka Madasha oo lagu wado in uu Muqdisho ka furmo, ayaa laga dooddo doonaa arimahaasi, si xal looga gaadho.

WardheerNews