Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Guddiga doorashada oo soo saarey awaamiir la xidhiidha ammaanka goobta doorashada

Muqdisho, Guddoomiyaha guddiga iskudhafka ah ee doorashasa madaxweynaha Soomaaliya Sen. Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa u direy baaq bulshada Soomaaliyeed iyo inta danaysa arrimaha Soomaaliya, kaasi oo ku aadan doorashada Soomaaliya, waxa uuna soo saarey habraac dhanka amniga oo la xiriira habsami usocoshada doorashada.

Guddoomiyaha ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsadey in ay u dulqaataan bandowga ciidamada ammaanku soo rogeen maalinta berri oo ay ku aadan tahay maalin aad u qiimo badan oo ah markii la aasaasey ururkii gobonimo doonka ee SYL, waxa uuna sheegay in maalinta berri ah ay tahay maalin masiiri ah oo la dooran doono madxweynihii dalka hoggaamin lahaa 4-ta sano ee soo socota.

Dhankale kale guddoomiyaha ayaa u cudurdaartey saxafiyiinta Soomaalida kuwaasi oo ka cabanayey in fursad loo siinwaayey in ay goobjoog ka noqdaan munaasabadda doorashada madaxweynaha isagoo ku sababeeyey arrimo dhanka ammaanka ah.

Afhayeenka guddiga doorashada Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa aqriyey habraaca dhanka amniga ah ee guddiga doorashadu soo saarey oo ka koobnaa qodobadaan:-

1- Waxaa la mamnuucay in goobta Doorashada ay ka dhacayso aanan lala imaan karin wax Ciidan ah loogana soo tago halkii loo qorsheeyay.

2- In aanan hoolka lala soo gali karin wax hub ah.

3- In aanan la ogoleyn Mobeel, Cumputer, Ipad iyo aalad kale oo wax duubta lana dhigi doono goobta ay u qorsheeyeen Guddiga.

4- In aanan hoolka lala imaan karin wax lacag ah.

5- In Hoolka dhexdiisa aanan laga dhax ololeysan karin bilowga doorashada kadib.

6- In 8:00AM ay dadku yimaadaan goobta loo qorsheeyay, halkaa oo gadiidka waaweyn ay ka soo daabuli doonaan.

7- In aanan hoolka lala imaan gawaari, isla markaana gaadiidka la dhigi doono halkii loogu tala galay.

Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa xilligaan la joogo bandow ah ayadoo isu socodka gaadiidka uu istaagey, waxaana magaalada ka soconaya dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo maalinta berri ah dhici doonta.

Mohamed Omar Aden

Wardheernews, Muqdisho.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.