Guddiga doorashada madaxweynaha oo soo saarey habraaca doorashada ayadoo is diiwaangelinta musharaxiinta maalintii 2-aad socoto

Muqdisho (WDN)- Doorashada Madaxweynah DF Soomaaliya, oo  lagu wado  in maalinta Axada ee bishan May 15 ay ka dhacdo  Teendhada Afisiyooni, ayaa waxaa dhawaan amniga doorashada lagu wareejiyey in ay sugaan ciidamada midowga Afrika ee hawlgalka ATMIS.

Sida habraaca nidaamka doorashada ku xusan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in loo ogolyahay inuu hoolka lasoo galo 2 ilaalo ah iyo 1 qof oo codka u tiriya, halka labadii madaxweyne ee ka horeysay ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed loo ogolaadey 2 ruux in ay hoolka lasoo galaan.

Musharaxiinta kale ayaa habraacu tilmaamay in qof kaliya loo ogolyahay in hoolka doorashadu lasoo geli karaan.habraaca ayaa sidoo kale lagu sheegay in ilaalada iyo gawaarida dibedda lagu soo reebayo ayadoo la isticmaali doono gaadiid gaar ah oo guddigu diyaariyey.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta is diiwaangeliyey kana guddoomay guddiga doorashada shahaadada musharaxnimo.

Maalinkii  2-aad magaalada waxaa Muqdisho ka soconaya isdiiwaangelinta musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayado magaalada Muqdisho laga dareemayo ololaha xoogan ee ay wadaan musharaxiinta iyo kulamada siyaasaddeed ee dhacaya. Waxaana kulamadaasi qeyb ka ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka oo Muqdisho ku sugan.

Hoos ka akhri Habraaca Doorashada:

Maxamed Cumar Aaden
Wardheernews, Muqdisho.