Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Guddida Doorashooyinka ee Lagu Muransanyahay oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada

Muqdisho, Muranka iyo xaaladda ismariwaaga ah ee doorashada golayaasha baarlamaanka iyo ta madaxweynaka ee J.F. Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ay guddida doorashooyinka ee lagu muransanyahay shaaciyeen jadwalka doorashada.

Guddiga ayaa qoraal ay maanta soosaareen ku yidhi, “Sida ku cad habraaca doorashada iyo heshiiska golaha wadatagisha qaran ee la gaaray 17-kii September, waxaa lasoo hormarinayaa doorashada xildhibaannada Aqalka Sare oo ay qabanayaan baarlamaannada dowlad goboleedyadu. Sidaa darteed, diiwaan galinta tartamayaasha doorashada Aqalka Sare waxay billaabaneysaa 26-ka December, 2020-ka, halka laga sugayo madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada in liiska musharraxiinta ay soo saaraan 29-ka December, 2020-ka, waxaana doorashada kuraasta golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxeysa 31-ka December ilaa 6-da January, 2021-ka.

Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed waxay sidoo kale 7-da January 2021-ka gudagalayaan diiwaan galinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeyb galaya xulista ergooyinka doorashada, kuwaas oo lagu faahfaahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada.”

Dhanka kale golaha midawga musharrixiinta ayaa iyana qoraal ay kaga jawaabyaan jadwalka doorashada ee la shaaciyay soosaaray.

Qoraalka golaha mushariinta madaxweynaha ayaa u dhignaa sidatan:

Haddaba arrimahan ayaa noqon doona kuwa sii kala fogeeya dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya taasi oo mugdi sii gelinaysa in doorashadu ay ku dhacdo xilligii loo qorsheeyay.

WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.