Garoowe ( WDN)- Wararka naga soo gaadhaya xarunta Baarlamaanka Puntland, ayaa sheegaya, in fadhi uu yeeshay maanta Golaha Baarlamaanka Puntland ay xilka kaga qaadeen Guddoomiye Cabdixakiim Maxamaed (Dhoobo).
Xildhibaannada golaha soo fadhiistay ayaa ahaa 53 Xildhibaaan. Waxaana xil ka qaadista u codeeyay 49 xildhibaan, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay. Waxaana halkaasi xilkii lagaga qaaday Guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo.
Md. Cabdixakiim Dhoobo oo xalay ka hadley Baraha Bulshada, ayaa sheegay in weerar Xukuumaddu ku soo qaadday Golaha Baarlamaanka, si markaasi ay ula wareegaan, oo ay xilka u dhiibaan Guddoomiye u adeega Madaxtooyada Puntland.
Guddoomiye ku xigaanka 1aad ee baarlamaanka Puntland Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan oo hadda xilka guddoomiyenimada si KMG u sii haya ayaa wareegto uu mislamaanta soosaaray ku magcaabay guddi iydu qabanqaabin doonta doorashada guddoomiyaha cusub.
WardheerNews
Leave a Reply