Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

GORFAYN BUUGGA QALIN IYO DHIGAALKII: DULMAR GUUD

W/Q: Cabdixakiin Diiriye

Inkasta oo mashquulkeyga oo badnaa aawadiis aan buugga si dulmar ah hal mar u akhriyey, oo aan u baahan doono in aan mar iyo labo kaleba akhriyo, haddana saaxiibkey qoraa Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) ayaa iga codsaday in aan buugga wax uun ka iraahdo, waxaanan markii hore iskudayey in aan ka cudurdaarto aniga oo sabab uga dhigi lahaa, in aanan ku fiicneyn gorfeynta buugta iyo falanqeyntooda, hase yeeshee saaxiibtinimada igala dhaxaysa wasiir Cabdifitaax, hadiyadda uu igu sharfay iyo qoraaga oo aan ku ogahay qalin dahabi ah oo malab ka da’ayo, oo aan qudheydu u baahi qabo in aan muudsado macaankiisa, ayaa ugu danbeyn i oggoleysiiyey in aan dhiganahaan dhaxalka ah aragtideyda ka dhiibto.

 “Qalin iyo Dhigaalkii” waa buug ka kooban maqaallo marar kala duwan la qoray, meela kala duwanna lugu daabacay, hase yeeshee midwalbaa uu meeshiisa miid soocan iyo mar la arag ku ahaa, maqaalladaas oo aan badankooda horey uga akhriyey mareegihii lugu faafiyey, oo ay ugu weyneyd wardheernews, iyo wareysiyo lala yeeshey indheergarad iyo fogaan arag Soomaaliyeed oo ayaamihii adduun ee ay usoo joogeen ka taariikh warramay, si ay waayo-aragnimadooda ugu reebaan jiilasha danbe.

Xogta buuggan ku uruursan waxay faaqideysaa mowduucyo kala geddisan iyo dhacdooyin kala daw iyo duruuf duwan, laakiin dhammaantood taabanaya danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo mustaqbalka dhulkooda, danaha siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo amniga qaranka, ayuu qoraagu si weyn uga faallooday. Qoraagu waa nin sheekadiisa tooska ah iyo qoraalladiisaba xalladiya, waana sababta aan looga xiisa dhicin qoraalladiisa, wuxuuna ka mid yahay shakhsiyaadka i jecleysiiyey akhriska.

HOGGAANKA HADDA EE SOOMAALIYA:

In badan qoraalku wuxuu falanqeynayaa siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyo sida ay u maareyso arrimaha gudaha dalka, gobolka iyo xiriirka caalamkaba, istaraatiijiyad la’aanta siyaasadda dibadda iyo dammanaanta ay fududdahay in la duufsado ee ka muuqata madaxdeenna, xilli Geeska Afrika ay ka socdaan dabeylo xoog leh oo jil iyo xaab qaad ah.

Wuxuu qoraagu dhaliil togan oo huwan hogatusaaleyn badan, usoo jeediyey hoggaanka Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay mid marinhabawsan, oo hareer marsan halkii ay habbooneyd in dalka lugu hago. Tusaale ahaan: Qaabkii Madaxweyne Farmaajo u wajahay wadahalladii uu Jabuuti kula yeeshey Somaliland, ayuu qoraagu ku sifeeyey mid horseedi kara kala goynta dalka iyo madaxbannaani la siiyo Somaliland, isagoo eeganaya dana shakhsiyadeed oo la xiriira doorashada soo socota. Dhacdadaan oo uu qoraagu buuggiisa ku iba furay, inkasta oo ay taariikh ahaan iyadu ugu danbeysey, maaddaama ay ahayd bartamihii Juun-tii ina dhaaftay 2020, haddana waxay ku qoran tahay cutubka 1aad, waxayna muujineysaa muhiimadda gaarka ah ee ay arrintani leedahay.

ISKU MILANKA GEESKA:

Isku milanka mugdigu ku jiro ee Farmaajo iyo Abiy Axmed ayuu buuggu shaki badan ka muujiyey, maaddaama aan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha dastuuriga ah ee dalka midna weli lala wadaagin waxa socda, iyadoo ficilladii uu maamulka Abiy ku dhaqaaqay oo ay ka mid ahaayeen, in bogag rasmi ah oo ay dowladda Itoobiya leedahay oo uu kan raysal wasaaruhu ka mid yahay, lugu faafiyey khariiradda Soomaaliya oo lakala jaray marna meeshaba laga saaray, ay shakigii hore cirka ku sii shareereen, iyadoo dowladda Soomaaliyana ay dhankeeda dhagaha ka furaysatay dhammaan dhacdooyinkaas dhiillada xambaarsanaa.

Wuxuu buuggu xusay khatarta ka imaan karta aragtida uu curiyey Abiy Axmed ee loo bixiyey ‘Madhammar” oo lugu macneeyey wadajir iyo isku duubni, laakiin muran badan ka dhalisay gudaha Itoobiya iyo gobolkaba, lagana yaabo in dadka arrintaas ku sirmay ay ka mid yihiin madaxdeenna qaarkeed, oo ilaa iminka niyadsami ilduufsan kula tacaamulaya Itoobiyaanka. Wuxuu sidoo kale buuggu bidhaamiyey xiriirka ka dhaxayn kara khariiradda ay Itoobiya faafisay iyo waxa loo yaqaanno “Heshiiska Qarniga” oo ah hab Israa’iil loogu xalaaleynayo dhulka reer Falastiin ee ay xoogga ku haysato, iyo suurtagalnimada in dariiqii Falastiin la marsiiyey oo kale lala damacsan yahay Soomaaliya.

Qoraaga ayaa talooyin waxku-ool ah usoo jeediyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo u muuqata mid isku dhexyaacsan oo aan lahayn jiha loo raaco, isagoo ku tusaale bixiyey xaashiyihii faraha badnaa ee ay ka soo saartay khilaafyo dowlado kale ka dhexeeya, oo ay inta badan kula safatay Sucuudiga oo shanqartii ka soo yeertaba ay wasaaraddeennu warqad usoo daabacdo, iyadoo kala safatay, Kanada, Iswiidhan, Turkiga, Yemen ikk, xitaa maalintii ay markabkii arigeennu saarnaa dib usoo celiyeen Sucuudigu.

Buugga ayaa dhanka kale xambaarsan macluumaad mug leh oo la xiriira dhaqan, suugaan, deegaan barasho, iyo shirar aqooneedyo, ay isugu yimaadeen suugaanyahan iyo qalinley Soomaaliyeed oo meela kala duwan ka dhacay, gaar ahaan kuwii Jabuuti iyo Jigjiga ee hal abuurka Soomaaliyeed kulmiyey, oo qoraaga sifo siyaasi iyo mid aqoonyahanba loogu martiqaaday. Wuxuu kale oo buuggu taabtay taariikhda magaalada facaweyn ee “Buruc” oo ka tirsan Gobolka Bari, oo uu qoraaga qudhiisu ka soo jeedo, waa magaalo caan ku ah ganacsiga gaar ahaan malabka oo ay dibadda u dhoofin jirtey noociisa ugu qaalisan, sida laga xigtay daraasado ay deegaanka ka sameeyeen dhulmareenno shisheeye, waxaa intaas dheer gabayo dhadhan iyo laabdhac leh, oo laga soo dheegtey maanso yahanno reer Buruc ah aanse caan bixin oo cidwalbaa aaney aqoon.

Waxaan iyana meesha ka marneyn wareysiyo uu qoraagu la yeeshey aqoon yahanno iyo odeydhaqameedyo kala duwan, oo ay ugu mudan yihiin, Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Baashe Cabdullaahi Aw Maxamuud oo ka mid ah isimada Puntland. Wuxuu kale oo qoraagu si murugo leh u xusay shakhsiyaad geeriyoodey oo dareen gaar ah, ku reebey, oo ugu danbeeyey wasiirkii Deegaanka Puntland Ismaaciil Diiriye Gamaadiid, oo aan qudheyda saaxiibo ahayn geeridiisuna ay si weyn ii taabatay, suxufi Maxamed Aadan Teerra oo ka horreeyey iyo akhyaar kale oo badan, Alle ha u wada raxmadee.

Mowduucyo kale ayuu buuggu wax ka yiri, sida xanuunka adduunka aafeeyey ee Korona Fayras, maqaamka Muqdisho, iyo kooxaha loo garan ogyahay (CBB) oo isagu uu u bixiyey “Duqsiga elektarooniga ah”

W/Q: Cabdixakiin Diiriye, Garoowe, Soomaaliya 

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.