Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Goloha Baarlamaanka oo Go’aamiyay in Muddo Laba Sano Gudaheed ah Lagu Qabto Doorasho Hal Qof Iyo Hal Cod

Shirka Baarlamaanka

Muqdisho (WDN), Xildhibaannada aqalka hoose ee baarlamaanka F. Soomaaliya ee muddo-xileedkoodu dhammaaday oo maanta kulan yeeshay ayaa go’aamiyay in ugu badnaan muddo laba sano ah waddanka lagaga hirgeliyo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Qoddobka 5-aad ee go’aanka ay maanta gaadheen golaha baarlamaanku, ayaa guddiga doorashada ee madaxbannaan u celinaya mas’uuliyadda ah inay dalka ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan, muddo aan ka badnayn laba sano oo ka bilaabata marka uu madaxweynhu saxiixo sharcigan.

Sharcigan ayaa sidoo kale jidaynaya in hay’adaha dawladda ee wakhtigoodu dhammaaday ay xilka sii haynayaan maddadaas labada sano ah ee lagu hirgalinayo doorasho ay shacabku si toos ah u soo doortaan xildhibaannada matalaya.

Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan sheegay in uu fashilmay shirkii isaga iyo madaxda dawlad goboleedyayda uga socday teendhada Xalane, ayaa isna qoraal xafiiskiisa ka soo baxay si aada ugu soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen xildhibaannada aqalka hoose ee xilligoodu dhammaaday.

Qoraalka Villa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.

Sharciga ay maanta ansixiyeen aqalka hoose ee baarlamaanku ayaa ah mid ay in muddo ahba quudarraynaysay Villa Soomaaliya, lyadoo isla markaana dadka u dhuun-daloola siyaasadda Soomaaliya aaminsanyihiin in laga soo diyaariyay xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Middowga musharrixiinta jagada madaxweynaha ayaa iyagu ka soo horjeestay qo’aankan iyagoo ku tilmaamay tallaabo sharcidarro ah oo wadanka u horseedi karta halis.

Beesha caalamka oo muddooyinkii ugu dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii ay isugu soo dhawayn lahayd dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, ayna isula gaadhi lahaayeen qaab doorasho oo la isla wada oggolyahay ayaa hore ugu digtay in la qaato go’aan hal dhinac ah.

Saadiq Cumar (Joon)

Sharcigan ay maanta ansixiyeen baarlamaanku ayaa sii murginaya xaaladda cakiran ee doorashooyinka muddo-dhaafka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa xusid muddan in shirkan Golaha Shacabku ee muddo xileedkiisu dhammaaday ay ku anasixiyeen Muddo Kororsiga, horey maanta gelinkii hore uu Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Banaadir Gen. Saadiq Cumar oo ku magic dheer Saadiq John, uu is hortaagay kulanka, isaga oo amar ku siiyay ciidamada Booliska ee ku sugnaa xarunta Golaha Shacabka in ay ishortaagaan in shirka Golaha shacabku uu dhaco.

Saadiq oo sheegay hadal go’aankaas ku saabsan, oo laga sii daayay Baraha Bulshada, ayaa ku sababeeyay hadalkiisa in Golaha muddo xileedkiisii uu dhammaaday aanay sharci ahayn, loona baahan yahay in ay u dareeraan doorasho.

Falka is horaaga Saadiq ee kulanka Golaha Shacabka ayaa sababay in xilka laga qaado, iyada oo Taliyaha Ciidamada Booliska ee Dawladda  Federaalka  Gen. Cabdi Xasan Maxamed, uu sheegay xil ka qaadista Gen. Saadiq John, una magacaabay jagadaas G/Sare Farxaan Maxamuud Aadan, oo hore u ahaan jiray taliye ka tirsan ciidamada Al shabaab.

Xilka qaadista kadib ayaa la keenay goobta Golaha Shacabka Ciidamo badan , iyada oo ka gadaal ay suurta gal noqotay qabsoomida kulanka Golaha Shacabku ee muddo xileedkiisu dhammaaday. Kaasi oo ku dhawaqaay arimaha in la laalay doorashiidii Dadbadeyn iyo muddo korodhsi.

Arimahan ayaa dad badin u arkaan in ay wadanka u horseedayso fawdo, qalalaase siyaasaddeed iyo mid amni.

WardheerNews, Muqdisho.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.