Golaha Wasiirrada Puntland
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirrada oo mudooyinkii danbe si aad ah loo hadal yahay.
Madaxweyne Gaas ayaa ku dhawaaqay Golo Wasiirro oo ka kooban ilaa 20, waxaana ku jira xubno ku cusub Siyaasadda maamulkaas iyo kuwo horay ugu
soo Shaqeeyay.
wasiirada lagu dhawaaqay ayaa ahaa sida:
1. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah
2. Cabdulaahi Cali Xirsi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
3. Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad – Wasiirka Amniga iyo DDR
4. Cabdulaahi Siciid Carshe Wasiirka Maaliyada
5. Saalax Xabiib Jaamac Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta
6. Cabdiftaax Siciid Caynab Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka
7. Abshir Ow Yusuf Ciise wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta
8. Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke Wasiirka Caafimadka
9. C/rixmaan Barkhad Warsame , Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo guryenta
10. Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland
11. Axmed Cilmi Cismaan Karaash wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada
12. Maryan Axmed Cali Wasiirka Hormarinta Haweenka
13. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada
14. Cabdiraxman Sh. Axmed Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
Maxamed Nuur Amiin
15. Cabdulaahi Sh. Axmed Wasiirka Xanaanada Xoolaha
16. Cabdinuur Cilmi maxamud Bindhe Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
17 .Dr. Cali Cabdulaahi Warsame Wasiirka Deegaanka
18. Cabdi khadar Faarax Shaaciye Wasiirka Dib U dhiska iyo Maalgashiga
19. Cabdirshiid Maxamed Xirsi wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyradka Badda
20. Cabdiwali Xirsi Cabdule Indha guran Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
Doorashada Guddoomiyaha Guddida Dastuurka ee labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya.
Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay doorteen Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka Barlamaanka Soomaaliya, waxaana xilkaasi loo doortay Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka tirsan xildhibaannada Aqalka Sare.
Doorashada oo goor dhow ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Cabdi Qeybdiid kaga adkaaday C/raxmaan Faroole oo xilkan kula tartamayay codod dhan 6-4.
Gudigan ayaa ah mid ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood uga socda Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.
C/raxmaan Faroole ayaa waday olole weyn ugu jiray qabashada xilkan, waxaana dadka qaar u saadaalinayay inuu ku guuleysanayo, balse si lama filaan ayaa looga adkaaday.
Doorashada Guddoomiyaha Guddigan ayaa ah mid muhiim ah, marka loo eego guddiyada kale ee dowladda.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho
Leave a Reply