Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Golaha wasiirrada oo ansixiyay Xeerka Xayiraadda Lacagaha

Muqdisho –Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Shirka maanta oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.

-DHAMMAAD–
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.