Muqdisho (WDN)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Md. Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku hor dhaariyey xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta Baarlamaanku meelmariyey kadib markii cod aqlabiyad ku ansixiyeen xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kalfadhigii ay yeesheen codka kalsoonida ku siiyey Golaha Wasiirada ee dhawaan uu soo dhisey Ra’isal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in kalfadhiga maanta codka kalsoonida xukuumadda lagu siinayey ay soo xaadireen 237 xildhibaan, waxaana codka kalsoonida xukuumadda siiyey 229 mudane sidaasi daraadeed xukuumadda ay ku guuleysatey kalsoonida baarlamaanka.
Xukuumadda Ra’isal Wasaarre Xamse ayaa laga sugaayaa waxqabad dhab maadaamah. dalku uu iminka ku jira marxalad adag oo dhanka amaanka ayadoo ay soo xoogeysteen maalmahaan danbe weerarada kooxda xagjirka ah ee Alshabaab waxaa intaa dheer xaaladda abaareed ee dalka ka taagan taasi oo u baahan wax qabad dhab ah.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply