Muqdisho (WDN)- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankiisa isbuuclaha ahaa oo uu shir gudoomiyey Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaga hadlay hindiso sharciyeedyo muhiim u ah maareynta kheyraadka iyo dhaqaalaha dalka oo ay ugu danbeyn isku raaceen meelmarintiisa.

Hindise sharciyeedyada golaha wasiirada maanta meelmariyey ayaa kala ah:
b) Sharciga xayiraadda maaliyadeed ee cayiman iyo
t) Sharciga maareynta nidaamka maaliyaddeed ee khayraadka dhulka Hoostiisa.
Qodobadan oo qeyb weyn ka qaadan kara horumarinta iyo daah furnaanta dhaqaalaha dalka.
Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa warfidiyeenada u sheegay in sharciyadan ahmiyad gaar ah u leeyihiin dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ee Alshabaab iyo maamulka nidaamka maaliyaddeed ee qodista iyo soo saarista khayraadka dhulka hoostiisa ah.
Afhayeenka ayaa intaa ku darey in ujeedada loo ansixiyay sharciga xannibaadda maaliyaddeed ee cayiman uu yahay in dowladda Soomaaliya ay yeelato nidaamyo xanibaad maaliyaddeed oo sal adag leh. Kuwaasi oo uu xusay inay hay’addaha dawladda Soomaaliya u ogalaanayaan inay dhaqangeliso xayiraadda hantida dadka looga shakiyo maalgelinta kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply