Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka oo Ansixisey Heshiiska Iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka oo Ansixisey Heshiiska Iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga

Muqdisho (WDN)- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kulankiisa todobaadlaha ah, ayaa maanta waxay ku ansixiyeen heshiiska xukuumadda la gashay dawladda Turkiga ee la xariira iskaashiga amniga iyo tayeynta ciidamada xooga dalka.

Heshiiskaan oo ay soo gudbisey Wasaaradda Gaashaandhiga, ayaa la xariira tababarka ,tayeynta iyo qalabeynta ciidamada xooga iyo iskaashiga adeegyada caafmaadka.

Dawladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan oo ay ugu muhiimsantahay amniga, waxaana Turkigu dalka ka sameeyey xero Milatari oo ah midda ugu wayn ee dibedda uu ku leeyahay. Xeradaasi ayaa tababaro loogu fidiyaa saraakiisha iyo ciidamada milatariga Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa hore heshiisyo dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka ula saxiixatey dawladda Turkiga oo maalgashi xoog leh dalka ku sameysay, waxaana ugu waa weyn dekedda Muqdisho iyo garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, oo labaduba ay maamulaan shirkado laga leeyahay dalka Turkiga.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho