
Muqdisho, Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxay ku buriyeen go’aan ay hore u gaadhay Xukuumaddii Xasan Cali Khayre Sanadkii 2017-kii, uguna aqoonsatay ONLF inay tahay urur argagixiso ka dib dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi-dhaqax ay dawladda Soomaaliya u gacangelisay dalka Itoobiya.
Go’aanka ay hore u qaadatay xukuumaddii RW Xasan Cali Khayre oo u muuqday mid ay isaga gadaysay taliskii ay jabhaddii TPLF horseedka ka ahayd ee ka talinayay xilligaas dalka Itoobiya, ayaa ahaa mid ay golahii wasiiradu aqlabiyad weyn ku ansixiyeen iyadoo Maryan Aweys oo keliya ay go’aankaas diiday halka uu Cabdi Faarax Juxa isagu ka aamusay.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in wasiirka maaliyadd ee xukuumadda F, Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle uu go’aanka maanta ka soo horjeestay inkastoo uu wararkaas ku tilmaamay wasiirku waxba kama jiraan mar uu arrintaas ka jawaabayay.
Dhawaan ayay ahayd markii uu RW Rooble kula kulmay magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya Cabdikariim Qalbi-dhagax, kulankaas ayaana la aaminsanyahay in uu soo dedejiyay tallaabadan ay maanta qaaday xukuumadda Rooble.
Ururka ONLF oo la aasaasay badhtamihii siddeetaneeyadii, ayaa tan iyo xilligaas u halgamayay sidii ay shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos jira xukunka Itoobiya ay aayahooda uga tashan lahaayeen.
Ka dib isbeddelkii sannadkii 2018kii uu xukunka Itoobiya kula wareegay RW Abiy Axmed waxa uu ururka ONLF la galay hashiis nabadgelyo dawladda Itoobiya, isagoo xilligan ka mid ah xisbiyada sharciga ah ee ka jira dalka Itoobiya.
WardheerNews