Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Golaha Wasiirada DFS oo ka shirey qorshaha sugida amniga deegaanada Alshabaab lagala wareegay

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka ka jeediyeen warbixinno ku saabsan howl-gallada Al-shabaab looga saarey deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka la xoreeyay.

Golaha wasiirada bayaanka uu soo saarey ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo ciidaanka deegaanka ee xulifada la ah guulaha ay ka gaareen kooxda Alshabaab, oo deegaano badan oo sanado ay ka talinayey gacantooda ka baxey.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale warbixino ka dhagaystay guddi dhawaan loo xilsaarey abaabulka iyo isku dubarridka hawlgalada lagula jiro  Al-shabaab, iyo halka ay marayaan.

Hawlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa si habsami ah uga socda gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Bay, waxaana wararka aan helayno sheegayaan in hawlgalka xoogiisu ka scodo gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanada ku teedsan deegaanka Moqokori oo dhawaan kooxda Alshabaab laga saarey.

Dagaalladaasi deegaanadaasi ka socda ayaa waxa ku dhintey Oday dhaqameed caan ka ah gobolka Hiiraan oo lagu magacaabo Cilmi Hagar Guure, kaasi oo ka mid ah odayaasha hogaaminayey dagaalka Alshabaab lagula jiro.

Muqdisho (WDN)- Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankiisa todobaadlaha ah diirada ku saarey qorshaha sugida amniga deegaanada lagala wareegay maleeshiyaadka Alshabaab ee gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Bay.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka ka jeediyeen warbixinno ku saabsan howl-gallada Al-shabaab looga saarey deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka la xoreeyay.

Golaha wasiirada bayaanka uu soo saarey ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo ciidaanka deegaanka ee xulifada la ah guulaha ay ka gaareen kooxda Alshabaab, oo deegaano badan oo sanado ay ka talinayey gacantooda ka baxey.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale warbixino ka dhagaystay guddi dhawaan loo xilsaarey abaabulka iyo isku dubarridka hawlgalada lagula jiro  Al-shabaab, iyo halka ay marayaan.

Hawlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa si habsami ah uga socda gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Bay, waxaana wararka aan helayno sheegayaan in hawlgalka xoogiisu ka scodo gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanada ku teedsan deegaanka Moqokori oo dhawaan kooxda Alshabaab laga saarey.

Dagaalladaasi deegaanadaasi ka socda ayaa waxa ku dhintey Oday dhaqameed caan ka ah gobolka Hiiraan oo lagu magacaabo Cilmi Hagar Guure, kaasi oo ka mid ah odayaasha hoggaaminayey dagaalka Alshabaab lagula jiro.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.