Garoowe, Jan. 04, 2014 (WDN)- Xildhibaannada golaha wakiilada Puntland ee ay dhawaan beeluhu iska soo dhex xuleen, ayaa maanta xildhibaan Siciid Xasan Shire u doortay xilka guddoomiyenimada golahaas oo ay u tartamayeen xildhibaanno kala duwani.

Xildhibaan Siciid Xasan Shire oo ay isugu soo hadheen wareegii saddexaad ee codbixinta isaga iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xirsi, ayaa ay codkooda siiyeen 40 xildhibaan halka ay Cabdirashiid Maxamed Xirsi uga codeeyeen 26 xildhibaan.
Waxaa isna maanta sidoo kale guddoomiye ku xigeenka1aad ee baarlamaanka Puntland loo doortay Md. Cabdixamiid Cabdisalaam halka Xuseen Xaaji Yaasiin Diiriya looga doortay guddoomiye xigeenka 2aad.
Doorashada guddoonka golaha wakiilada Puntland ee maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe, ayaa waxay dhabbaha u sii xaadhayasaa doorashada madaxtooyada Puntland oo iyana ay xildhibaannada golaha wakiiladu u codayn doonaan 8da bishan aynu ku jirno ee Janaayo.
Doorashada xilka madaxtinimada Puntland oo ay u tartamayaan shakhsiyaad aad u tiro badan, ayaa dad badani walaac ka muujiyeen in ay u dhici doonto si caddaalad ah maadaama laga cabsi qabo in tartamayaasha qaarkood adeegsadaan lacago badan oo ay ku gadanayaan codka xildhibaannada cusub.
Dhawaan ayay ahayd markii uu musharaxnimadiisii dib uga laabtay Xaaji Maxamed Yaasiin, taasoo uu ku sababeeyay in aanu diyaar u ahayn in uu bixiyo lacago laaluush ah si uu ugu guulaysto xilka madaxtinimada Puntland, sidaa dateedna uu ka tanaasulay musharaxnimadiisii.
Inkastoo ay musharixiin badani aad uga ololeynayeen magaalooyinka iyo tuulooyinka deegaannada Puntland billihii ina soo dhaafay haddana guusha ama guul darradoodu waxay ku xidhantahay hadba cidda ay codkooda siiyaan 66da xildhibaan ee beeelaha Puntland soo magacaabeen dhawaan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata marka aad fiirisid dareenka shacabka Soomaaliyeed ee Puntland in ay yihiin kuwo u ooman isbedel, haseyeeshee waxaan la ogayn in xildhibaannada golaha wakiiladu ay ka dhabbayn doonaan dareenka shacabkooda.
WardheerNews
