Golaha Baarlamaanka Puntland oo kalsoonidii kala noqday Golaha wasiirrada

Garoowe ( WDN)- War naga soo gaadhay magaaladda Garoowe ayaa sheegaya in Golaha Baarlamaanka Puntland uu kalsoonidii kala noqday Golaha wasiirrada ee Xukuumaddii M/weyne Cabdiwali.

Wali war sugan lagama hayo sababaha dhaliyay in kalsoonida lagala noqdo Golaha Xukuumadda, hase yeeshee wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in ay la xiriirto khilaaf dhinaca dhaqaalaha oo ku aadan mashruuca Imaaraadka ee dekeda Boosaaso.

Dad badan oo indha indheeya arimaha Soomaaliya oo ay la xiriirtay WardheerNews, ayaa sheegay in Xukuumadda Cabdiwali aysan fulin ama ka gaabisay qorshayaashii dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha ee ay ku balan qaaday markii la doortay, hase yeeshee ay ku caan baxday tabar daro iyo musuqmaasuq, ay waheliso madaxweynaha oo dalka inta badan ka maqan, islamarkaana  aan la socon duruufaha adag ee danyarta Puntland la soo darsa, sida mushahar la’aanta ciidanka iyo shaqaalaha dowladda, xaaladda amniga iyo dhaqaalaha oo xumaatay ama ka dartay tan iyo intii uu Cabdiwali xukunka qabsatay.

Dad badan ayaa ku sheegay in golaha wasiirrada oo la badalaa aynan wax buuran ku soo kordhin doonin isbadal rasmi ah oo ka dhaca Punland.

Kulanka Baarlamaanka waxaa ka soo qeyb galay 57 xildhibaan, iyada oo codka kala noqoshada kalsoonida ay siiyeen 47, halka 9 ay diideen, 1 xildhibaana ka aamusay.

Golaha Baarlamanka ayaa ka codsaday Madaxweyne Cabdiwlai in 21 maalmood gudahood oo maanta ka bilaameysa uu ku soo dhiso Xukuumad.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.