Golaha Aqalka Sare oo isku dayaya maareynta khilaafka DFS iyo Maamul Goboleedyada

Golaha Aqalka Sare oo isku dayaya maareynta khilaafka DFS iyo Maamul Goboleedyada

Muqdishu (WDN) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaalya, ayaa iyaga oo ka duullaya go’aan ay dhawaan soo saareen oo ay ugu kuur galayaan khilaafka hadheeyay xidhiidhka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, u kala diray wafuud dhammaan shanta maamul Goboleed ee Puntland, Galmudug, Jubbalanda, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Xubanaha Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in ay xog wareysiyo la yeeshaan madaxda iyo mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada. Xogtaasi ayaa la sheegay in muddo 10 cisho gudahood ah ay ku soo diyraarin doonaan warbixin, taasi oo aasass u noqont doonta sidii loo xalin lahaa khilaafka Dowladda Dhexe ee Maamul Goboleedyada.

Aqalka Sare, Muqdishu

Dad badan oo u kuurgala siyaasadda Soomaaliya, oo ay WardheerNews wax ka weydiisay qorshaha Aqalka Sare, ayaa soo dhaweeyay dadaalka  iyo xilkaa uu isa saaray Golaha Aqal Sare, inkasta oo aysan ka muujin waxa rajo weyn ah, iyagoo xusay in maamulka Farmaajo, oo aan ilaa hadda wax ka oran khilaafkaasi, uusan diyaar u aheyn waan-waan iyo wada tashi uu la galo Dowlad Goboleedyada.

Dhawaan ayaa shir ay ku yeesheen Dowlad Goboleedyada Soomaaliya magaalada Kismaayo bishan Seb 4-8, ay ku sheegeen in ay dhammaan hakiyeen xidhiidhkii iyo wada shaqeyntii ay la lahaayeen DFS, iyaga oo ku eedeeyay DFS in ay ka wado faragelin toos ah iyo mid dadban-ba iyo qas ay ku wax yeelaynayso jiritiaanka, nabad gelyada iyo horumarka Dowlad Goboleedyada, halkii ay ku taageeri lahayd dadaallada loogu jiro sidii loo dhisi lahaa loona hanan lahaa ammaanka dalka.

Dhinac kale Golaha Shacbiga, oo bishan Oktoobar 10-dii  kal-fadhigiisii 4-raad furmay, islamarkaana uu Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay khudbad furitaankii, aanan haba yaraatee aan soo hadal qaadin khailaafka ay Dowladdiisu la leedahay, iyo hakinta ay ku dhawaaqeen Maamul Goboleedyadu.

Waxaa xusid muddan in Galaha Shacbiga oo lagu eedeeyo in uu ku dhex milmay DFS, aysan ilaa hadda iyona ka hadal agenda-hoodan aan lagu soo darin, khillaafka DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

Guud ahaan DFS ayaa hadda ay soo foodsaartay xaalad adag oo ay ku lumisay taageeradii iyo rajo-dii ay u hayeen shacbiga Soomaaliyeed.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.