W.T. Faarax Cali Gammuute
‘Show madax dadoo kuu muuqda iyo Mindi saawiraa marar badan ku hoda’; ayaan xusuusta ku keenay.Tuducuna, haddaan sii candhabo, maanso aanan markan meel ku ogayn ayuu ka tirsanaa. Haabkaba, ku maan hayn. Markase wax laguu sheegaad, wax garataa, oo afka iyo uurkaa is oge, nin ayay arrini si ugu dhuumatay. Fartaa loogu goday. Isna dib ayuu isugu noqday. Hoos buu u sii dayay. Wuu ka garaabay.”Taaba i dheh”: ayuu ku garwaaqsaday. Halqabsi laga reebay ayay noqotay. Nin kalana waxaa laga hayaa: “May tidhida, ayaan uga goleeyahay”. Anna wayga sidaaye, maansadu waxay tidhi:
Goodkaa intuu nabar kuu gilgilo
Gumarlaha mariid kugu gaaciyoo
Galacdana ku dayma guhaadiyee
Diinkaa gadiid iyo waa galaba
Galaxyada ransiga ula gaafanoo
Goor iyo ka goor geeraarayoo
Geelana gabnada guja maal taqaan
Gablantada gacmaa kuma gororiyee
Gololada mullaax is gadhoodhisiyo
Madi goba madiix gaalgaalayoo
Gocayada la hoos gala gaawahoo
Gallad iyo ganuun ka gufaaciyoo
Gaydhana morkaha gaashaynayoo
Gabbalaha galdhiidhi galaalayoo
Isha gacal gurbood ku gardaadiyee
Galawgaa hawada ka min guuriyoo
Gooraan la tiigsada goonyahoo
Gabal dumay garrida ka gariiriyee
Far la goday ayaa gaagaabsatoo
Nin ku gawdhinoo kaa mudi goggaa
Waji gibil madow kuu laba guntee
Gamas eegmadii u gal siibatiyo
Guruxii colaad guulguulayee
Lagu gubi dhalaankuba wuu gartaa
Gabayguna dhegtii ka gulaalanee
Goof iyo geddeedu galoof tahee
Lagu guray gufeeyaha wuu gartaa
Aarkuna gadaafo nin goorriyoo
U gundhabay gabooyaha gaadmadoo
Ku gambiyay gantoobaha wuu gartaa
Gabadhlaa gadaan iyo gadaw luloo
Hore iyo gadaal isu kala guroo
Gayi dheer ku mara gawlgawlidee
Gabashada waxaa loo raad gataa
Daman gawsa weyn oo gadaha moog
Gaadaha degmada gaafmeerayee
Gungunaafyadaa gooraaftamoo
Guugaa hawiran oon laga gayoon
Gadhabaagudhuu googoynayee
Kala gaar galool iyo gawlaladu
Oo gabi lalmada xaajada ku gigan
Wiil galalafaa wuu gabawaree
Gurgurkaan fudayd u garmaaminoo
Garawadu si dalag uma gaagaxdoo
Gadalabe bilaash uma golongolee
Godobtana gartii loo guulayee
Garbaduub xaqeeda la gees marshaa
Gocashada xusuusta ku gaaxisoo
Guntashada dhexdeeda giraamisoo
Inkastoy guyaal is gamaarisoy
Gorodana gubtaanyada hoorisoy
Hadba gelin ku weehato gaararkoy
Hadba godan gol-tiica ku waarisoy
Gooddiba ka eegato gooddiyoy
Galliyada tumaatido guurahoy
Gorof legedka gawnaxa giijisoy
Kolba goob xanuun ku garwaaqsatoy
Gaw madhan habeen gabayooxsatoy
Gudcurkana gataati gadaashataba
Ammin go’ay shinkiisana loo gimgimay
Sida goray ka oogsaday gubadda Hawd
Gashi doon la soo gola joogsatoo
Geed tegi jireenadu way gartaan
Aniguna gankaan ahay Gaanya-alif
Iyo gaadh inuu gaadh igu bedelay[1]
Gurdankiyo gabaarraha waan gartaa
W.T. Faarax Cali Gammuute
Email: farahgamute@gmail.com
[1] Ku xusuuso Dalaayad
Leave a Reply