Thursday, May 02, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Galdaloolooyinka Cilmiga Dhaqaalaha

W/Q Muxumed M. Muxumed (Khadar)

“Cilmigan dib u heego dhaca
cilmigan dul ka xaadiska ah
cilmigan sama dawdarka ah
caqligu ka daboolan yahay
bukaankiyo daafka qaba
gumaysigu diin u yahay
Ilaah lagu diiddan yahay

cilmigan daldaloolka badan
damiirku ka meydka yahay” Hadraawi.

“Economics is haunted by more fallacies than any other study known to man” Henry Hazlitt.

Hordhac

Dhaqaaluhu waxa uu ka mid yahay arrimaha ugu mudan ee saamaynta tooska ah ku leh nolosha qofka, qoyska iyo qarankaba. Sidaas oo kale ayuu Cilmiga dhaqaaluhuna (economics) yahay tiirarka ugu waaweyn ee culuumta bulshada. Hase yeeshee, waxa marag maddoon ah, oo qofka cilmigan ku dhex jira aan ka qarsoonayn, in cilmigan iintiisu badan tahay, oo uu ku guuldarraystay in uu sidii la filayey u buuxiyo kaalintii uu dunida ugu jiray: ha noqoto in uu weydiimihii dhaqaalaha warcelin sugan u keeno; in uu dhibaatooyinkii dhaqaale si habboon u furdaamiyo; in uu masiibooyinka dhaqaale ee soo socda saadaaliyo; in fiirooyinka iyo aragtiyaha dhaqaale ee dunida badh ka shaqeeyay ay badhka kale ka shaqayn waayaan (gaar ahaan dalalka aan reer Galbeedka ahayn), iyo kuwo kale oo badan.

Photo credit -Sloan

Ujeeddada maqaalkani waa in uu ardayda dhaqaalaha barata iyo cid kasta oo aqoontan danaynaysaba u iftiimiyo dhaliilaha ay aqoontani la daalaadhacayso iyo in ay ogaadaan halka ay sartu ka qudhunsan tahay. Waxa aan arkay dad badan oo dhaqaalaha bartay oo, in kasta oo ay sannado badan ku bixiyeen, haddana aanay waxba kaga duxin, ama dareemay in ay wax khaldan yihiin balse aan dhugan “sengaha daalay meeshuu, ka damqaayo heensuhu” (Gaariye). Dad badani marka ay waxbarashada dhammeeyaan, ee ay seyladda shaqada yimaaddaan, ayey ogaadaan in aanay xirfad ay ku shaqaystaanba lahayn.
Kuwo kale oo xataa aqoontan heersare ka gaadhay waxay hadhow garowsadaan in cilmigani aanuu xal muuqda u hayn dhibaatooyin farabadan oo dhaqaale oo iyaga iyo bulshadooda ku gedaaman.

Bal haddaba aan isku dayo in aan tilmaamo qaar ka mid ah galdaloolooyinka uu cilmigani leeyahay. In kasta oo uu qalinku ila mari karo, kutalagalkayga ma aha in aan ka hadlo dhaliilaha hannaan gaar ah, sida hantigoosiga calanwalaynaya, ee waxa aan ka hadlayaa cilmiga laftiisa. In kasta oo aan si guud u eegayo mawduuca, haddana waxa aan tilmaami doonaa isdiiddooyinka ka dhex jira cilmigan iyo bulsho Muslin ah oo innaga oo kale ah – waa marka uu yahay cilmigan Galbeedka innagaga yimid.    

Saynis Ismoodnimada Cilmiga Dhaqaalaha

Waxaa jirta aqoon la isku yidhaahdo sayniska bulshada (social sciences) oo dhammaanteed hab-dhaqanka iyo arrimaha bulshada loogu barto siyaabo kala duwan, waxaana ka mid ah: dhaqaalaha, siyaasadda, cilmi nafsiga iyo barashada hab-nololeedka bulshada (sociology). Haddaba, in kasta oo saynis loo tixgeliyo culuumtan, oo laga duwo culuumta aadanaha (humanities) ee ay ka midka yihiin falsafadda, taariikhda, afafka, barashada diinta iwm, haddana macnuhu ma aha in ay culuumtani saynis u tahay sida fisigiska iyo kimistariga. Waxase xusid mudan in dhaqaaluhu uu yahay waaxda keliya ee ilaa xad isku dayday in ay saynis badhaxla’ noqoto, isla jeerkaasna moodday in ay heerkaa gaadhay. Dhibaatada ugu weyni arrintan ayey ku sal leedahay.

Ugu horrayn, si saynisnimadan loo sugo, dhaqaalayahannadu waxa ay si xad-dhaaf ah u adeegsadeen xisaab. Dhaqaalaha hadda la barto, gaar ahaan mar kasta oo heerka waxbarashadu kor u sii socdo, waxa macnatirtay xisaabta sida kabadbadinta ah loo adeegsado iyo moodellada lagu dhiso xarfaha afka Giriigga. Badi cilmibaadhisaha iyo qoraallada ay dhaqaalayahannadu qoraan way adag tahay in ay dadka caadiga ahi fahmaan; iskaba dhaafe xataa waxa ay mararka qaar ku adkaataa in ay dhaqaalayahannadu fahmaan qoraallada dhaqaalayahannada kale.

Dhaqaalayahannadu waxa ay isku dayeen in ay dhacdooyinka dhaqaalaha xisaabeeyaan ama tirooyin ku saleeyaan, iyo in ay saadaal sameeyaan iyaga oo hab xisaabeed ka duulaya. Taasina waxa ay keentay dhowr dhibaato. Waa mare, doorsoomayaasha dhaqaalaha badhkood waa kuwo hadal la xidhiidha (qualitative) ee tiro ama wax la qiyaasi karo (quantitative) maaha – tusaale, qanaaco (utility), jamasho (desire). Waa mar kale e, in dhacdooyinka dhaqaalaha tirooyin lagu fasiro waxaa ku jira fudaydsi badan oo kakanaanta iyo wejiyobadnaanta dhacdooyinkan ah. Tani waxa ay keentay in ay dhaqaalayahannadu noqdaan kuwo xaqiiqada ka durugsan oo saadaashooda iyo odoroskoodu inta badan khalad yahay. Dhaqaalayahannada qaar ayaa ku dooday xisaabtu waa af ama luuqad la isku afgarto oo dhacdooyinka si fudud loogu sharxi karo. Balse dhaqaalayahan arrintan dhaliilsan ayaa mar yidhi bal sharrax xisaabeed ha loo keeno ‘waan ku jeclahay’.

Si ay saynisnimada u xaqiijiyaan, dhaqaalayahannadu waxa ay adeegsadaan “xeerar”. Haddaba cilmiga dhaqaalaha iyo guud ahaan cilmiga bulshadu xeerar ma yeelan karaa? Aragtiyaha cilmiga ahi dhow heer ayey maraan. Waxa ay ku bilaabmaan aragti mala’awaal ah oo aan weli la xaqiijin saxnimadeeda (hypothesis). Marka la helo caddaymo lagu sugayo oo loo maray hab cilmiyaysan waxa ay gaadhaa fiiro (theory).

Haddaba, derajooyinka ugu sarreeya ee aragtiyuhu gaadhaan waxaa ka mid ah in ay xeer (law) noqdaan. Xeerku waa aragti runnimadeeda la sugay iyada oo hab saynis loo marayo, oo meelo kala duwanna sidaa loogu dabiqi karo. Fikradda xeerarka waxa ay dhaqaalayahannadu ka soo ergisteen fisigiska. Haddaba, bal aynu waxyar isdultaagno weydiimaha ah: cilmiga dhaqaaluhu xeerar ma yeelan karaa? Haddii uu yeeshana, sida kuwa fisigiska oo kale ma loo fasirayaa ama loo qaadanayaa?

Ugu horrayn, dhaqaalaha iyo fisigisku waxa ay darsaan laba wax oo aad u kala fog. Fisigisku waxa uu darsaa dabeecadda iyo agab ama walxo halka dhaqaaluhu ka darso aadane iyo hab-dhaqanka aadanaha. Walxaha aan nafta iyo caqligaba lahayn ee biyaha iyo birtu ka midka yihiin siyaabo kala duwan ayaa loo darsi karaa, dhinacyo badan ayaa lagaga iman karaa, isbeddeladooda waa la go’aamin karaa, waana la saadaalin karaa. Tusaalle ahaan, biyaha haddii la kululeeyo ilaa ay 100 derajo gaadhayaan way uumibaxaan, haddii la qaboojiyo oo derajada heerkulka  0 (eber) laga dhigana adke ama baraf ayey isku beddelaan.

Haddaba, aadanuhu sidan oo kale miyey yihiin? Warcelintu waa maya. Aadanuhu waa makhluuq caqli leh (rational), mar haddii ay caqli leeyihiin oo ay iyagu ismaamulayaanna, suuragal ma aha in hab-dhaqankooda la go’aamiyo ama la saadaaliyo. Sidaas oo kale, aadanuhu waa xor oo mararka qaarkood waxa ay u fikiri karaan ama u dhaqmi karaan si ka baxsan sida la isla yaqaan. Xeerarka dhaqaalaha waxaa saldhig u ah hal kas ooqaad: caqli adeegsi (rationality). Jilayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin iibsadayaasha iyo iibiyayaasha waxaa laga soo qaadayaa kuwo adeegsada sababayn caqli ku dhisan mar kasta oo ay go’aan qaadanayaan. Tusaalle ahaan, iibsaduhu marka uu wax gadanayo, waxa uu isbarbardhigaa sicirka uu waxaa ku iibsanayo iyo dheefta uu ka helayo. Ka soo qaad xeerka badeecaddaha la iib keenayo (law of demand) oo dhigaya markasta oo uu sicirka badeecaddu kordho xaddiga la iibsanayaa waa uu yaraanayaa. Xeerkani waxa uu ku taagan yahay kasoo qaadka ah sababayn caqli ku dhisan oo ah in iibsaduhu isbarbadhigo sicirka iyo dheefta.

Hase ahaatee, maxaa ka hortaagan iibsadaha in uu u dhaqmo si aan caqli ku dhisnayn ama uu siduu doono yeelo? Dee waxba. Ka soo qaad in marka ay xabadda Muuska ahi hal shilin tahay aan iibsan jiray 10 xabo.

Xeerku waxa uu dhigayaa in haddii sicirka xabadda Muuska ahi saddex shilin noqdo aan iibsan doono afar ama shan ama lix. Haddaba, sicirku ma yahay waxa keliya ee go’aamiya xaddiga aan gadanayo? Sow muuska ma jeclaan karo oo sicir kasta uma huri karo? Sow qoyskaygu 10 xabo maalintii uma baahan karo heer kasta oo uu sicirku gaadho? Oo maxaa ii diidaya in aan xabad muus ah ka bixiyo boqol kun oo shilin? Dee waxba. Waa go’aan gacantayda ku jira. Hab-dhaqankaygani waxa uu buriyey kasooqaadkii xeerka, taasoo ka dhigan in xeerkiina buray.

Dhaqaalayahannada qaar waxa ay qabaan in xeerarka dhaqaalaha loo fasiro sidii aragti mala’awaal ah oo caqli gal ah oo ku saabsan hab-dhaqanka iibsadayaasha iyo iibiyayaasha oo ku sugan seylado tiro badan, ayna ku gedaaman yihiin xaalado badani.   Si ay saynisnimada cilmigan u sugaan, dhaqaalayahannadu waxa ay adeesgasaan hab saynis/cilmi ah (scientific methodology) iyo tijaabo (experiment). Hasa yeeshee, si aad uga fog saynisyahannada, dhaqaalayahannadu ma haystaan shaybaadh ay ku hubiyaan aragtiyahooda mala’awaalka ah. Halkii shaybaadhka waxa ay u adeegsadeen moodello dhaqaale oo dad dejiyeen, kuwaas oo inta badan ku salaysan mitir-dhaqaale (econometrics) iyo falanqaynta xogta tirada ah iyada oo habab kala duwan la adeegsanayo.

Halkan ka akhri maqaalka: Galdaloolooyinka Cilmiga Dhaqaalaha.

Muxumed M. Muxumed (Khadar)
Email: [email protected]  

————–
Muxumed Maxamed Muxumed (Khadar) waa dhaqaalayahan iyo cilmibaadhe deggan Hargeysa. Waxa uu qoray dhowr buug iyo maqaallo cilmi ah oo tobaneeyo ah. Buuggaagtiisa waxaa ka mid ah: Dhaqaalihii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, 1960-1991 iyo Samafalayaasha Xun: Sooyaalka Qarsoon ee Hantigoosiga iyo Dalalka Hodanka ah (turjumaadda buugga Bad Samaritans ee uu qoray Ha-Joon Chang).


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.