Nayroobi (WDN) – Gacan ka hadal aad u fool xun ayaa dhex maray labada mas’uul ee kala ah Af hayeen xigihii hore ee Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin iyo wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Soomaaliya Maxamed Jaamac Mursal.

Gacan ka hadalkan ayaa lagu sheegay mid ka dhashay muran ka yimid dhinca kala duwanaanshaha aragti siyaasadeed ee labada shakhsi, balse aan la xidhiidhin wax qabiil ah maadaama ay isku beel ka soo jeedaan.
Wasiirka ayaa la sheegay in uu dacwad ka dhan ah Faarax Macalin ka geeyay saldhiga ciidamada Booliiska ee Nayroobi, kuwaasi oo ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan dacwadaasi.
Dagaalkan ayaa ka dhacay Huteelka Serana oo ka mid ah huteelada ugu waaweyn ee magaalada Nayroobi, islamarkaana ay Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Qurba Joogta Soomaalidu fadhiistaan.
Dagaalkaasi dhex maray Faarax iyo Wasiir Maxamed, ayaa ah mid hoos u dhigayay sumcadda Soomaaliyeed, gaar ahaan marka ay timaado goobaha Huteelada waaweyn ee ay joogaan dad badan oo ka yimid wadamo kala gedisan.
Halkan ka daawo gacan ka hadallka Faarax iyo Maxamed Jaamac
WardheerNews