Gabay: Sannahaabo

W/T Abwaan Xuseen Xalane

Mudaaharaadyadii Xamar ka dhacayey bishan horraanteedi ee sawirada Madaxweynaha lagaga soo dejiyey meelahay saarraayeen, si u eg Taalladii Saddaam Xuseen, markaan arkey ayaan is idhi tolow affaray ma ka tirisaa?

Mudaharaad Muqdisho ka dhacay oo loogaga soo
horjeeday maamulka Farmaajo

Marka Taallada Saddaam la dejinayey, waxaan joogey Ciraaq oo goobjoob baan ka ahaa, tanna Xamar ka socotana kama fogi. Baydadkan soo socda waxay hor dhac u yihiin Gabaygii xaalaadaas oon Soonka ka dib dhamays tiri doono Inshaallah;

  • Sawirada la gubi waa colaad soo siqaansiqiye
  • Sifihii Saddaam baan arkay seegtey taladiiye
  • Dadkan silica loo leynayaa sabab la’aanteeda
  • Ee Suuqyadii laga xidhee socodka loo diiday
  • Wuxuu suuxsanaadiyo wuxuu Samir dan moodaaba
  • Mar unbay sidii lagu yiqiin seta goys noqone
  • Dhallintaa saboolka ah markay siligga soo jiidho
  • Ragga kibirku saameeyayow sow salsali maysid
  • Sagashuu Raggii hore ku dhacay sow ku siriq maaha
  • Sinta dadab baqaha saw mar kale siigo kici maaha
  • Markay baladu sara joogsatayn seexasho aqoone
  • Sannahaabo lama raadsadiyo sumac colaadeede
  • Dirirtii sokeeyaha nin garan kuma safraadeene
  • Sasabaad wax lagu waayey iyo sulux walaalteynta
  • Sandulleyn inaad samo ku heli waa sahwiyo beene
  • Saldanada ma hayn karo ninkii seefta aamina e
  • Sar muraayad niman saaran oo dhaxa saydhsaydhi
  • Ninka sadada kaligii cunee samaha diidaaya
  • Ee sidi Hitleer raba salaam suxulka taago
  • Safartaa Inkays iyo siduu Saxalku sheegaayo
  • Saba naan fogeyn buu tashigu idinka seereyne
  • Bal aan sugo santaaggaa halkuu saynta dhigan doono

Abwaan Xuseen Xalane