Waxaa Itoobiya ka dhacay horraanti 2019 Shirweyne la yiri beelaha Direed baa isugu iman. Ma xumo oo waa arrin dhaqan ah, laakiin waxaa iga yaabiyey beelaha la taxay waxaa ka mid ahaa kuwo Oromo ah iyo kuwo Digil ah iyo kuwo aan waligood Dir sheegan.

Anigoon aadba u danaynayn baa mar qudha waxaa sawiradi ka soo dhex muuqday Boqor Burmadow oo kuulo dhaadheer oo fara badan qoorta loo sudhay oo u taagan inuu beelahaas Boqor u noqdey.
Anigu Boqorka saaxiib baan ahayn waana jeclaa la sheekeysigiisa. Haddase meesha uu ka bus kiciyey ma fahmin.
Gabaygan arrimaahaas isburinaya iyo tusaale reer tolkii dabada la galaya ayuu taataabtey;
Boqorradu billado nuurayeey baydda ku xidhaan
Tusbax laguma buunbuuniyo kuulo baadiye e
Burmadow miyey beylahsheen Bahaha Iidoorku?
Ma xilkii Biciiduu bannadey oo u bogi waayey?
Qurqurraha bilaashka ah muxuu ugu boholyoobey
Shirka Adari laga baafiyee boqol cidood sheegtey
Oo Oramo badideeda iyo Baha Dugaag joogtey
Anoon kaba baraad yeelan oon garanin baaqiisa
Isagoo qardhaas aad u badan qoorta laga buuxshey
Bidhaantiisa goortaan arkaan soo baararugaye
Burmadow wixii bara kacshee geliyey buuqaasba
Ee uu dulkaa uga bus kicin iima caad bixine
Boqor Habar Jecliyo geesigii Bari ka guuxaayey
Ee badi Isaaqiyo Hartigu ugu bogeen hawsha
Inuu yahay Ugaas caan baxiyo biixi lagu dhaarto
Nin tolkiis badbaadshoo ku nagi talada beeshiisa
Oon baahi reer kale u qabin saan u badinaayey
Inuu beled Axmaariyo Galbeed bido inay dhaanto
Boodanka baas waxa u luley iima caad bixine
Ninki haybta Barigaa Dhexiyo Carabta u baydhaayey
Rag Qureesh ka beermay oo Nabiga Beydkiis ah
Binu Haashim baan ahaay ninkii shalay ku baanaayey
Ee Booramiyo diidi jirey beesha dariskiiisa
Baydiisliyo Gariiriyo intuu Jaarsada u baydho
Booran iyo Garruu buun u tumi oo Dir lagu biirin
Isma bixin kartee waa bulaan been ah malaheeye
Waxaa taas ka sii ba’an waxaan baahshay madaxeyga
Bilis iyo Biddaba reerihii hoolka laga buuxshey
Burmadow inuu barantankii badiyey oo qaatey
Oy beelahaas wada dhasheen boqorna loo doortey
Car bal yaa burhaanteeda garan oo u qiil-bixiya?
Anna talada baahdiyo xujadan iga bacaadsaartey
Haddaan budulka taariikhda xogihi baandheeyey
Nuxurkii ka soo baxey haddaan beydad ku iraahdo
Garaadkaan u bayraqi ogaa balafta weedhiise
Een barashadiisiyo jeclaa baro la joogiise
Iyo Budulka meeshuu Faradha boodhka uga duulshay
Inuu yahay nin baaxaadeggii qar iyo buur fuuley
Oo baraad u raacdaa yar tahay laba bogleyntiisu
Waa xaqiiqda ii soo baxdoo aan la beer gubane
Quruumaan biyiyo Aabe iyo bahi walaaleynin
Oon bawdka ooddiyo hiddiyo beled wadaageynin
Bawbaw gurbaan iyo khudbado beena tirintooda
Abtirsiimadoodey bedeli waa bar kuma taalle
Wax kaloy ku soo biirin loo bartaa ma lahe
Beesadii Qadaafiyo kuwina biidma hayaane
Isagoo xaqiiqdaa barraxan baarax ugu jeeda
Waxa uu daba-booddayaa waw baraad li’iye
Xigmadduu ka baadhbaadhayee galiyey buuqaasba
Barbaraynta uu labo isburin lugi baal saartey
Caqligeygu bixin waa wuxuu baadi-goobyahaye
Beer iyo Burciyo Hawd taniyo Bariga Laas Caano
Ceerigaabo buuraha sariyo badaha liilkooda
Bullaxaar biyaha xeebahood bidix u sii dhaafto
Bardaaliyo dhuluu canab ka baxo doogga bilicdiisa
Beeraha Wajaaliyo bankiyo qaydka babaciisa
Wixi Doollo bariga ka xiga Hererna sii beegsan
Batalaaliyo haddii aad Berbera boqolka meylak dhaafto
Beled iyo haddaad baadiyiyo baab kasta u eegto
Iyagoo barwaaqaysan oo maal irdaha buuxa
Dhulkaa baaxaddaa laa tolkii badani yaallaaye
Iyagoon Bakhayl lagu ogeyn bixiye mooyeene
Isna geel xeryaha buuxiyiyo baatir lagu sheegye
Haddayn baahi wadin gaajo waa lala baqoolaaye
Waxa barakacaa ugu wacan iima caad bixine
Abwaan HH
Leave a Reply