Gaadiidka Dadweynaha Gobalka Banaadir oo Maanta Sameeyay shaqojoojin

Muqdisho. (WDN)- Subaxnimadii hore ee maanta ayaa waxaa shaqojoojin sameeyay inta badan gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya gobalka Banaadir si ay u muujiyaan cabasho ay ka qabaan Ceymis ay ay sheegeen in uu sharci darro yahay oo shirkad gaar loo leeyahay ay maamusho.

Shaqo joojintaas oo muddo kooban socotay ayaa waxa ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelatay isu socodkii magaalada, waxaana guddoomiye Kuxigeenka iskaashatooyinka gaadiidka gobalka Banaadir, Maxamed Rashiid Maye, oo la hadlay Wardheernews uu sheegay in Shaqo joojintu ay timid kadib markii ay garawsadeen in hantidooda loo boobayo Shaqsi ganacsade ah.

“Sida u diiwaan gashan Guddiga Iskaashatooyinka Gaadiidka Gobalka Banaadir, in ka badan 10,000 oo gaari ah oo nuuca qaada dadweynaha ah iyo 9,500 oo Bajaaj ayaa Muqdisho ka howl gala. Gaadiidka dhib ayey horay ugu qabeen askarta waddooyinka taagan iyo canshuurta waddooyinka ee gaadiidka laga qaado, waxaana iyada oo dhibkaasi taagnaa ganacsato ay soo abaabuleen waxa loo yaqaanno “Ceymis” si hantida dadweyna loo dhoco” ayuu Maxamed Rashiid Maye ayuu sheegay mar uu arrinta ka hadlayay.

Mas’uulka oo hadalkissa sii wata ayaa waxa uu isweydiiyay qaabka lacagtaas loo isticmaali karo haddiiba aysan ku dheceyn bank dowladeed.

“Hadii shaqsi ganacsato ah uu yiraahdo anaa gaadiidka ceyminaya oo lacag loo aruuriyo meesha uu lacagta la aadayo innaga maa og? Haddii ceymis dowladeed yahay annaga raalli ayaan nahay hase yeeshee waxa aan diidanahay in shaqsi gaar ah naloo dhoco haddii aan nahay milkiilayaasha gaadiidka”, gudoomiye Kuxigeenka iskaashatooyinka gaadiidka gobalka Banaadir ayaa sidaas sheegay mar uu la hadlay Wardheernews.

Maye ayaa waxa uu sheegay in Shirkadda qorshaha la timid iyo taliska ciiddamada ilaallada waddooyinku ay iska kaashanayaan ceymiska sida qasabka ah gaadiidka loo gelinayo.

“Shirkad takaaful la yiraahdo ayaa soo ababulatay Ceymiska. Taliska ilaalada wadooyika ayaa loo adeegsanayaa in ay gaadiidka xoog uga qaadaan lacagta si iyana ay lacag dheeraad ah oo ganaax ah uga qaataan. Gaariga caasiga ah waxaa lagu soo rogay $62 seddaxdii bilood, waxaana dheeraad ah $20 oo ganaax ah haddii ay kusoo qabtaan ciidanka ilaalada waddooyinka adiga oo aan lacagta iska shubin. Bajaajta iyana sida oo kale waxaa seddaxdii bilood laga qaadayaa 25 doolar, iyana haddii lasoo qabto ganaax  $20 ayaa ku waajibaya”.

Waxa uu ka cawday guddoomiye kuxigeenka  gaadiid 100 ku dhaw oo isugu jira Caasiyaal yo Bajaajyo oo ku xareysan Fiisho Taraafiko kadib markii laga qabtay gudaha magaalada Muqdisho laguna eedeeyay in ay jebiyeen sharci degsan oo ah in gaari aan ceymis ku jirin uusan magaalada mari karin.

Lacagta lagu soo rogay Bajaajta ayuu aad uga carooday  Gudoomiye Maye waxa uuna doodiisa sal uga dhigay in Bajaajta waqtiga ay shaqeyn kartaba uu aad u yaryahay aysanna munaasab aheyn in lacag ceymis ah lagu waajibiyo

“Bajaajta waxa ay shaqeyn kartaa laba sano uun, kadibna wax anfac ah malahan, $200 ee laga qaadayo labada sano ee ay shaqeyneyso ganacsadaha maa jeebka gashanaya, intee lacagtaas lagu bixinayaa?”, Maye ayaa isweydiiyay su’aashaas

Sida muuqata, gaari kasta oo kamid ah kuwa dadweynaha qaada ee ka shaqeeya Muqdisho, waxaa lagu waajib yeelay $248 sandadkii, waana lacag aad u badan, waxaana dadka ka falanqooda dhaqaala iyo arimaha la xariira musuqa ay sheegayaan in ceymiska xilligaan lagu soo aadiyay laga leeyahay ay tahay in laga faa’iidso waqtiga kala guurka oo hanti badan la dhoco.

Dalka hadda waxaa ka socda doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka, waxaana lasoo warinayaa in uu jiro musuq xadigiisu sareeyo oo ay ku kacayaan shaqsiyaad ka tirsan Dowladda hadda jirta.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta oo ay Wardheernews la xiriirtay ayaa sheegay in ay tahay wax  lala yaabo in bulshada dhiban loo sii dhaco ganacsato dana gaar ah wadata kuwaasi oo ay sheegeen in ay dowlad wax la wadaan sida ay inoo sheegeen.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews, Muqdisho.