Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Fitro-diid: Sheeko Gaaban

W.Q. Cabdullaahi Janno

Wuxuu Fitro-diid dhex fadhiyay guri dugsi iyo daryeel ay ku heysteen isaga iyo qoyskiisa. Hayeeshe wuxuu ninku doorbiday in uu gurigiisa ka dhigo sidii kii dawacada ee daldaloollada badnaa. Iriddii ayuu rujiyay. Saa xaaskiisa iyo carruurtiisaa ka waaniyay tallaabadaas. Daaqadihii ayuu misana jebiyay. Xaaskiisa iyo carruurtiisa baqdin ayaa gashay. Saqafkii ayuu tuuray. Xaaskiisa iyo carruurtiisa cabsi ayay la qaxeen. Gurigii wuxuu ka dhigay mid haawanayo. Wuu diiday in gurigiisa uu la mid noqdo guryaha deriska ah. Kama damqan in xaaskiisa iyo carruurtiisa ay barakaceen. Kama xishoon in xaaskiisa iyo carruurtiisa ay deriska u galeen iyagoo magangelyo-doon ah.

Gurigii dawacada isagoo dhex yuururo ayaa dhaxan qabatay. Bustihii uu huwan lahaa ayuu laacay. Kabriid holcayuu ku dhejiyay. Isagoo gawsyada isla dhacayuu gam’ay. Roob mahiigaan ahaa hurdada ka kiciyay. Halkii uu hagaagsan lahaa saqafkii guriga ayuu miinshaar soo dafay oo sii kala jarjaray saqafkii. Wuu gaajooday, cuntase ma karsin karin. Muxuu karsadaa waxaa in muddo ah burkii iyo bariiskii iyo basashii iyo barbaroonigii isku daba maray roob iyo qorrax — oo way isku qammiireen. Markuu gaajada xamili kari waayay ayuu jeebka kala soo baxay sawirka xaaskiisa iyo carruurtiisa oo uu Ciiddii hore ka qaaday. Wuxuu nacladay deriskii magan-geliyay qoyskiisa. Wuxuu nacladay injineerkii dejiyay naqshadda gurigiisa. Wuxuuna ka qoomameeyay inuusan weli wada burburin gurigiisa.

Fitro-diid fadhiga ayuu aakhirkii kari waayay. Derin dusheeda ayuu ku soo uruuray. Sawirkii qoyskiisa ee farxadda iyo dhoollacaddeynta lahaa ayuu ku dheygagey. Waxay u muuqatey in xaaskiisu laheyd, “Qof yahow kuma aqaan. Waxaad noqotay mid ay dhabannadu ka dhammaadeen, indhihiisu god galeen, madaxiina timo beelay.” Tabar uu ku sii hayo sawirka ma lahayne wuxuu ku tiiriyay gambarkii xaaskiisu ku fariisan jirtay oo ay dul fadhiyeen haad aad mooddid wadaaddo isaga yaasiimayo. Dusha daaqadihii uu jebiyay waxaa ka soo eegayay dhowr curri oo indho guduudnaa, kuwaasoo isha ku hayay nuuxnuuxsiga cunihiisa. Fitro-diid gurigii qalcadda ahaa wuxuu ka dhigay qabri dhulka dushiisa ka dhisan. Fitro-diid xaaladdiisu waxay noqotay tii gabaygii Qaylodhaan lagu cabbiray:

  • Haddii uu dugaag baahi qaba kugu qamaamaayo
  • Ood eeyo qadadooda tahay qarjamsan maydkaaga
  • Bisadana quraac kaa dhigteen qanjir aan reebaynin
  • oo haadda soo qaraabataagawin qalfooftaada
  • Dhibaatada qarada weyn miyaan laba qiyaasaynin?

Fitro-diid dhibaato soo socoto ma oddorosin, walaalkiisa u oddorosi lahaana wuu quursaday ama cilladeeyay ama nacladay. Si aan talo iyo gurmad loo siin, wuxuu derbigii xigay iridda laga soo galo ku buufiyay ereyadan: “DIGNIIN: GURIGAN WAXAA DEGGAN DHAGOOLE IYO INDHOOLE.” Runtiina wuu ka dhabeeyay. Walaalihii talo iyo nasteexo ula yimid wuxuu ka gufeystay dhegaha oo sidii qof indha la’na derbiyada haahaabtay isagoo is-qaafinayo. Waxaad mooddaa in isaga laga tiriyay meerisyadan:

  • “Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
  • Anigaa damqanayee dheguhu uma daloolaane.”

Iyo mar kale:

  • “Kama daalo qayr-sheeg dadkuna igama qaataane.”

Fitro-diid wuxuu ka kici waayay derintii dhammaatay. Cidlo. Gaajo. Harraad. Tabaryari. Intaa waxaa u sii dheereyd inuu gurigiisii ka dhigay bahalo-galeen. Ishiisu waxay qabatay indhihii curriga. Misana wuxuu jalleecay haaddii madmadoweyd ee isaga indhaha ku haysay, sugi la’na inay feentaan. Wuxuu misana eegay sawirkii xaaskiisa oo sidii xuuralceynta u dhoollacaddeynaysay. Derbi wejigiisa ku aaddanaa ayuu indhaha la raacay. Waxaa ku dhegganaa magacyada Allaah iyo Muxammad oo far Carabi ku qoran. Kuma soo dhicin in Nebi Muxammad–sallallaahu calayhi wasallam–uu daryeeli jiray xaasaskiisa, iyo dumarka Muslimka guud ahaan. Kuma soo dhicin in Siirada lagu xusay in Suubbanuhu uu ka welwelay xaaladda qof dumar aheyd oo u haajirtay dhulkii Xabashida ka dibna uu asxaabiyaddii mehersaday si uu garab iyo hiil ugu noqdo cilmi nafsi ahaan. Taa cagsigeeda, Fitro-diid wuxuu barakiciay xaaskiisii iyo caruurtiisa oo deris aan ku diin iyo dhaqan aheynna gacanta u geliyay.

Fitro-diid dabeecaddii nolosha ayuu ka hor yimid. Fitradu waa hanashada iyo ku negaashaha guri dugsi leh. Amni ah. Dhereg taal. Sixo fiican leh. Qosol iyo farxad taal. Maamul jiro. Wadatashi jiro. Asalkaas ayuu ka hor yimid, oo weliba isla qummanaaday. Noloshuna isaga uma aysan turin. Waxay ka qaadday deggenaanshaha, xasilloonida, farxadda, qoyskiisa, caafimaadkiisa, iyo cibaadadiisa – oo waxayna intaas ugu beddeshay cidlo, cabsi, darxumo, caafimaad-darro, iyo bahallo guriga la soo degay. Fitro-diid isagoo hadba indhaha marna ku eegayay dhowrkii curri, marna haaddii aamusneyd, marna sawirkii qoyskiisa farxaaniga ahaa ayuu wuxuu arkay qorraxdii oo godkeeda u sii hoyaneyso. Wuu muusooday oo qalbadda iska yiri: “Qorraxyaheey waxba ha igu dhego hadlin. Gabbalku adiga keligaa ayuu kuu dhacaye anigu waan noolahay.”

Fitro-diid waa runtiisa oo weli gabbalka uma dhicin. Nasiib-darro, waa nin har iyo habeen dhegaha ka fureystay xikmadaha indheergaradkiisu ugu deeqo: “Cid waliba waxay u haliilaysaa inay micida darto hilibka Soomaalida” iyo sidoo kale: “Marka biciidku jabo, middiyuhu way bataan.” Fitro-diid wuxuu doono ha dafiro, laakiin indhaha iyo eegmada iyo cayga ka da’ayay bahallada gurigiisa dhex fadhiyay waxaa laga dheehan karay inay arkayeen Malakulmowtkii oo soo degay.

______________________________

Qore: Cabdullaahi Janno
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.