Xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA ayaa magaalada Muqdisho Siminaar ugu furay tababarayaasha kooxaha kubadda cagta dalka.
Aqoon kororsigan ayaa waxaa uu socon doonaa afar maalmood,iyadoona mudadaas lagu baran doono duruus ku aadan qaabka tababarnimo ee kubadda cagta.
Macalimiinta bixinaya Siminaarkan oo ah Ajnabi ayaa qaarkood waxay u dhasheen Jaziirada Siishalis.
UllricMathios oo ah Macalinka ay tababarka usoo wakiilatay xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay imaashiyahiisa caasimadda Muqdisho,waxaa uu sidooakle qeexay in uu ka faa’ideysan doono tababarayaasha Soomaaliyeed.
“Dhamaan ciyaaraha gaar ahaan Isboortiga way ka hormaty Soomaaliya,waxaana aarintaas ku amaaneynaa xiriirka Soomaaliya”sidaas waxaa yiri macalin UllricMathios
Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay tilaabada FIFA ee ku wajahan sara uqaadidda awooda qibrad ee macalimiinta Soomaaliyeed.
Waa markii labaad oo xiriira FIFA bixiyo Siminaar noocaan oo kale ah,iyadoona 1986 ay aheyd markii sidaan oo kale xiriirku ay aqoon kororsi u qabtay macalimiinta kubadda cagta Soomaaliya.
Daawo Sawirada Tababarka Macalimiinta Kubadda Cagta Soomaaliya
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews.com
Mogadishu,Soomaaliya
Leave a Reply