Fayo-dhowr xumada xeryaha oo badisay tirada dadka uu daacuunku soo ridanayo

Fayo-dhowr xumada xeryaha oo badisay tirada dadka uu daacuunku soo ridanayo
Nadiifo oo uu korka u saaray Faysal oo ay ku hayso xarunta xakameynta daacuunka Xagardheer/Axmed Cabdullaahi/Ergo

Soddon qof ayaa cudurka daacuunka u jiifa xarunta xakamaynta iyo daaweynta Xagardheer. 700 oo isugu jira carruur iyo dad waaweyn ayuu cudurku ku soo ritay xeryaha Dhadhaab tan iyo bishii Oktoobar ee 2022. Tirada ayaa aad u kordhaysa maalinba maalinta ka dambeysa, sida ay xaqiijiyeen hay’adaha ka shaqeeya caafimaad xeryaha.

Dadka deegaanka ayaa u sababaynaya in cudurka ay ka qaadeen fayo-dhowr xumo ka jirtay xeryaha Dhadhaab. Jibriil jimcaale Yarkow oo ah 43 sano jir ka bogsaday daacuunka ayaa sheegay in musqusha gurigiisu ay buux dhaaftay. Hay’adda bixisa musqulaha ayaa u sheegtay in aanay haynin dhaqaale ay musqulo ugu dhisto.

“Nadaafadda daro ayaa dareemayay in ay jirto, sababta oo ah musqusha waa uraysaa, waana buuxdaa. In musqushaa ay xanuunka sababtay ayaan dareensanahay. Musqulaha inta ugu badan waa buuxaan in dhowayd, waqti dhowna musqul ma soo bixin, hay’aduhuna bajad la’aan iyo dhaqaale xumo ayay ka cabanayaan.”

Jibriil oo ah guddoomiyaha xaafadda D-9 ee Xagardheer oo y ku nool yihiin 340 qoys ayaa sheegay in musqulaha ay ka wada buuxaan isaga iyo qoysaska uu gudoomiyaha u yahay.

Wuxuu sheegay in uu xili habeen ah 21 Diseembar, isagoo gurigiisa jooga uu dareemay shuban isku xig-xiga iyo tabar darro, kaddibna uu wacay lambarka gaadiidka ambalaaska oo si dhakhso ah ku ku geeyay isbitaalka. Wuxuu ka war hayay in cudurka daacuunku ka jiro xerada, qofkii xanuunsadana uu wici karo gaadiidka gargaarka deg deg ah.

Jibriil ayaa tilmaamay in tabar-darnida darteed ay ku adkayd uu hadlo, isla markaana saddex saac oo xiriir ah loo sameynayay gargaar caafimaad. Wuxuu xusay in shaqaalaha caafimaadka ee xaruntu ay aad u daryeeleen.

“Horta waa kala duwan tahay markii aan halka imaanayay iyo hadda sida aan ahay Al-xamdulilaah. Aad baa la ii saacideeyay, faleenbooyin badan baa igu dhacay oo habeenkii oo dhan baa la i kor taagnaa. Isma dhahaynin waad noolaanaysaa markii halka la i keenayay, ciddadaydii waa la soo dardaarmay. Markii aan halka imidna si fiican baa la ii daaweeyay, waana aniga hadlaya. Waan caafimaad qabaa, waa bogsaday.”

Jibriil ayaa sheegay in kooxda caafimaad ay maalin walba xaafadda yimaadaan si ay dadka uga wacyi-geliyaan daacuunka, taasina ay ka caawisay in markii uu xanuunsaday uu fahmo in waxa haya uu daacuun yahay.

Qoyskiisa oo ka kooban siddeed qof isaga keliya ayuu cudurku ku dhacay. Wuxuu tilmaamay in 30 sano oo uu ku noolaa xerada uu marar badan ka dilacaay daacuunku, laakiin hadda ka hor uusan ku baraarug-sanayn khatartiisa oo qofku si dhakhso ah uu ugu tabar dhigayo, una dhiman karo.

Markii uu ku laabtay qoyskiisa iyo kuwa kale ayuu xusay in uu siiyo talooyin la xiriira sida la isaga ilaalin karo cudurka, maaddaama intii uu ku jiray isbitaalka uu qaatay wacyi-gelin ku saabsan daacuunka.

“Waa maqli jiray daacuun baa dad ku dhacay, laakiin isma lahayn xanuun noocaas ah baa jira. Waxa la sheegayaba waxaan moodayay qof iska shubmaya, iska matagaya oo tartiib ah. Cholera waaba xanuun xasaasi ah oo dilaa ah. Waxaan ka fahan anahay in nadaafadda lagu dedaalo, gacmaha la dhaqdo, gacmaha chorine lagu dhaqdo oo musqulaha la iska hagaajiyo. Muhiimaddu waa nadaafadda lagu dedaalo.”

Isbitaalka Xagardheer oo uu gacanta ku hayo Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah ee loo soo gaabiyo IRC ayaa laga sameeyay xarun gaar ah oo lagu daaweeyo, laguna xakameeyo dadka uu daacuunku soo rito. Waxaa xarunta ka howl-gelaya dhakhaatiir iyo kal-kaaliyayaal qaabilsan la taacalidda cudurka daacuunka, waxaana aad loo xaddiday dadka booqanaya bukaannada ku jira xarunta.

Dadka uu cudurku soo ridanayo waxaa ku jira carruur yar yar oo markoodii hore ay hoosaysay awooddoodu, sabab la xiriirta nolosha adag ee qaxootinimo iyo cunno yarida.

Nadiifo Bitow Malow waxay 18 Diseembar xarunta geysay wiilkeeda Faysal Mustaf oo sadex sano jir ah. Waxay sheegtay in ay ku aragtay matag iyo shuban daran, ayna isbitaalka u soo qaaday. Haddaba Sidee Nadiifo ku garatay in wiilkeeda uu cudur daacuunka hayo.

“Waxaan ku ogaaday markii cunugu labo jeer uu matagay, uuna gadaalna ka baxay, uu indhaha gediyay oo uu galay xaalad adag ayaan ka fahmay in uu cudurku qabtay. kaddib waa soo qaaday amarjamsiga ayaa la i keenay, haddana ismalaha sidii aan ku keenay iyo sida uu hadda yahay.”

Nadiifo waxay sheegtay in Faysal uu bogsaday, isla markaana loo sameeyay baaritaan dheeraad ah oo uu qaatay daawooyin ka baxsan daacuunka.

“Markii aan imaanayay xaalad adag ayaan ku sugnayn. Walwal farabadan ayaan dareemayay, haddana waa la ii daaweeyay. Waxaa la siiyay faleenbooyin badan iyo ORS intii uu shubanka ka joogsanayay. Cudurka markii uu kugu dhaco xanuuno kale oo kor kaaga jiray ayaa banaanka imaanaya.”

Nadiifo markii ay afar habeen isbitaalka kula jirtay wiilkeeda ayaa laga daba keenay gabadheeda Saytuun Mustaf Cabdulle oo 8 sano jir ah. Gabadha oo uu daacuunku soo ritay ayay hooyadeed sheegtay in isbitaalka laga saaray labo maalin kaddib.

Nadiifo oo xeryaha Dhadhaab timid sanadkii 2011 ayaa deggan qeybta lixaad ee xaafadda N. Waxay sheegtay in aanayn garanayn sida ay caruurteeda ay cudurka ku qaadeen, laakiin ay xaafadooda ay ka jirto biyo yari iyo musqulaha oo aad u buux-dhaafay.

Lixdan liitar oo biyo ah ayay xustay in 48 saacba mar laga siiyo goobta biyaha laga daansado. Biyo yarida ayay xustay in keentay nadaafad xumo, isla markaana biyaha ay heleen ay ugu filan yihiin oo keliya in ay cuntada ku karsadaan.

Hay’adda IRC ayaa sheegtay in faafista cudurka daacuunka ay sabab u yihiin kumannaan qof oo tan iyo bishii Abriil ee 2022 ku biiray xeryaha qaxootiga. Intooda badan haystaan musqulo iyo fayo-dhowr fiican. Carruurta qoysaska qaar ayaa meelo banaan ku saxaroonaya. Waxay keentay khatar caafimaad iyo in ay sii bato shuban oo uu daacuunku ka mid yahay sida uu sheegay Yuusuf Axmed Aadan oo ka tirsan IRC.

Wuxuu xusay in hay’addu ay waddo dedaal lagu xakamaynayo daacuun, laakiin weli dadka badan uu soo ridanayo.

“Hay’adda IRC waxay la tacaalaysaa xanuunka cholera-ha. Banaanka waxay kaga howl-gashaa in caafimaadka guud ay ka hadasho oo sanitation-ka iyo hygiene-ka bulshada loo sheego si ay uga hortagaan ama ku joojiyaan cholera-ha. Kuwa uu ku dhaco waxaa wargelin lagu siiyaa in ay soo tiigsadaan isbitaalka. Marka la keeno cusbitaalka, faleenbooyin baa jiraan oo dhakhatiir baa taagan. Faleenbooyinkaa inta lagu xiro iyo daawooyin loogu talo galay ayaa qofka inta laga siinayaa, ilaa caafimaadkiisu uu taam noqdo oo uu tabartiisa ku socdo na ward-ka ayuu joogayaa.

Cudurka dacuunka ayaa aad ugu soo noq-noqda xeryaha qaxootiga, waxaana ay howl-wadeenada caafimaadku ay dillaaciis ku sababeeyaan fayo-dhowrka xeryaha oo aad u liita iyo dadka oo aan raacin talooyinka caafimaadka.

Xigasho: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.