Fatahaadda Webiga Shabeelle ee Degmada Qalaafo oo Waxyeello Ka Soo gaadhay Dad badan

Qalaafo, Qoysas tiradoodu gaadhayso in ka badan 45 kun oo qof oo degganaa degmada Qalaafo ayaa lagu soo warramayaa in ay ku barakaceen ka dib markii uu webiga Shabeelle ku fatahay goobihii ay degganaayeen ee jiinka webiga.

Xaaladda nololeed ee qoysaskaas ku barakacay fatahaadda webiga Shabeelle ee degmada Qalaafo ayaa aad looga dayrinyaa maadaama aanay helin ilaa hadda wax gargaar lagu badbaadinayo.

Dadkaasi maatida ah ayaa la sheegayaa in aanay haysan hoy, hu’ iyo cunto ku filan midna iyadoo islamrkaana laga cabsi qabo in cudurada faafa ay ka dillaacaan meelaha ay dadkaasi hadda degganyihiin.

Fataahadda webiga iyo waxyeellada had iyo jeer ka soo gaadha dadka dega jiinkiisa ayaa ah mid soo noqnoqota iyadoo islamarkaana aanay dawladda Deegaanka Soomaalidu samaynin wax qorshe ah oo lagaga hortagayo fataahadda webiga iyo qasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhasha mar walba.

Haddaba iyadoo xilligan ay roobab laxaad lihi ka da’ayaan guud ahaanba gobolka geeska Afrika ayaa laga cabsi qabaa in waxyeellada iyo khasaaraha ay geysanyaan sii bataan islamarkaana ay saameeyaan meelo kale oo ka mid ah deegaanka Soomaalida.

WardheerNews