Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Fatahaadda Webiga Shabeelle ee Degmada Qalaafo oo Waxyeello Ka Soo gaadhay Dad badan

Qalaafo, Qoysas tiradoodu gaadhayso in ka badan 45 kun oo qof oo degganaa degmada Qalaafo ayaa lagu soo warramayaa in ay ku barakaceen ka dib markii uu webiga Shabeelle ku fatahay goobihii ay degganaayeen ee jiinka webiga.

Xaaladda nololeed ee qoysaskaas ku barakacay fatahaadda webiga Shabeelle ee degmada Qalaafo ayaa aad looga dayrinyaa maadaama aanay helin ilaa hadda wax gargaar lagu badbaadinayo.

Dadkaasi maatida ah ayaa la sheegayaa in aanay haysan hoy, hu’ iyo cunto ku filan midna iyadoo islamrkaana laga cabsi qabo in cudurada faafa ay ka dillaacaan meelaha ay dadkaasi hadda degganyihiin.

Fataahadda webiga iyo waxyeellada had iyo jeer ka soo gaadha dadka dega jiinkiisa ayaa ah mid soo noqnoqota iyadoo islamarkaana aanay dawladda Deegaanka Soomaalidu samaynin wax qorshe ah oo lagaga hortagayo fataahadda webiga iyo qasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhasha mar walba.

Haddaba iyadoo xilligan ay roobab laxaad lihi ka da’ayaan guud ahaanba gobolka geeska Afrika ayaa laga cabsi qabaa in waxyeellada iyo khasaaraha ay geysanyaan sii bataan islamarkaana ay saameeyaan meelo kale oo ka mid ah deegaanka Soomaalida.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.