Fasaxa Baarlamaanka Soomaaliya oo la hakiyay iyo xaalada Muqdisho oo cakiran

Fasaxa Baarlamaanka Soomaaliya oo la hakiyay iyo xaalada Muqdisho oo cakiran

Muqdishu (WDN)- Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday in uu galo fasax, ayaa dib la isugu yeedhay ka gadaal markii xalay, oo ku beegneyd bishan Disember 17, Wasiirka Amniga ee DFS amar ka soo baxay, lagu weeraray gurigiisa, islamarkaana xabsiga dhigay Md. C/raxmaan C/shakuur, oo ah siyaasi horey wasiir uga soo noqday Soomaaliya, kana mid ahaa tartamayaashii madaxtinimada Soomaaliya ee 2017. Weerarkaasi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen  5  ciidan ilaaladiisa ka mid ahaa.

Md. Cabdiraxmaan ayaa la sheegayaa in ay dowladdu ku eedeysay hawlo ka dhan ah Xukuumadda Kheyre iyo Farmaajo, isla markaana guriiigas laga helay lacag loo adeegsanayay abaabulka mooshin lagu ridayo dowladda. Ilaa hadda ma jiro warar dhexdhexaad ah oo caddaynaya eedaymahaasi, hase yeeeshee waxaa laga cabsi qaba in ay wiiqdo oo khalkha geliso ammaanka Muqdisho oo aan caggo ku taagneyn oo liita.

Waxa iyana soo if baxday amar aan laga fiirsan oo uu Wasiirka Amingu ku sheegay in la joojiyay oo aan la qaban karin wax kulan, iyada oo aan fasax laga heysan wasaaradda Amniga iyo gobolka Banaadir.

Waxa amarkaasi markiiba ka soo horjeesta Wasiirka Dastuurka DFS, oo sheegay in amarka Wasiirku Amnigu, aanu waafaqsaneyn Dasturuka dalka sida ay dhigayaan qodobada 16 iyo 20-naad.

Xidhitaanka Md. Cabdiraxmaan ee sababay dhimashad 5-ta qof iyo islamrkaasi joojinta kulamada dadka siyaasiyiinta ah, ayaa keeni karta iska horimaad beeleed dhib cusub iyo culays hor leh u keeni kara nabadgelyada magaalada Muqdisho.

Hakinta fasax Baarlamaanka si ay u dhex galaan dhibaatada ka dhacday xidhitaanka Md. Cabdishakur, ayaa dad badani aysan ku qabin kalsooni ay ku xaliyaan arinkaasi,kana hortagaan wax kasta oo wiiqaya xasiloonida caasimadda Muqdisho.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.