Wednesday, May 08, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Farmaajo oo Xilkii ka Qaaday Xeer Illaaliyihii Guud ee Qaranka

Muqdisho, (WDN)-Warsaxafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFS
Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu sheegay in shaqadii laga qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka Md. Axmed Cali Daahir.

Waxa sabab looga dhigay xilka qaadista xeer Ilaallihii hore arimo la xidhiidha ” habeyta Garsoorka”, oo aan la faahfaahin.

Dad badan oo indha indheeya arimaha Soomaaliya, ayaa u arka ka qaadista xilka
Md. Axmed Cali ee wakhtigan, mid aan munaasab aheyn, iyada oo ay wali jirto arimaha muranka dhinaca xuduudda Badda ee Kenya, oo xeer illaaliyaha shaqada laga qaaday uu hormuud ka ahaa.

Warsaxafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay WardheerNews, ayaa u qornaa sidan:
———–

MADAXWEYNE FARMAAJO OO GARYAQAAN SULEYMAN MAXAMED U MAGACAABAY XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JFS, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Mudane Axmed Cali Daahir.

Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka JFS Mudane Axmed Cali Daahir shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.