Dhuusamareeb (WDN)- War-murtiyeedkii shirka Dhuusamareeb oo xalay la soo saaray, ayaa qodobada ugu muhiimsanaa ay mid ahaayeen 1) in doorashada lagu qabto xiligeedii, islamarkaana aysan imaan muddo korodhsi 2) in aysan suurtagal aheyn doorasho qof iyo cod ah, iyo 3) martiqaad loo fidiyay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre.
Haddaba iyaga oo ka jawaabaya martiqaadkaasi ayaa la filayaa in Farmaajo iyo Kheyre ay gaadhaan Dhuusamareeb maalmaha inaga soo aadan.

Shirkaasi wajiga labaad ee DF iyo Dowlad goboleeddyada u qorshysan inuu ka dhaco Dhuusamareeb ayaa la filayaa in lagaga wadahadlo hanaanka doorasho, islamarkaana la isla garto qaabka doorasho. Taasi oo ay ku kala aragti duwan yihiin Farmaajo iyo madaxda Dowlad Gobolleedyadu.
Dowlad Gobolleedyada ayaa iyagu qaba in Doorasho Dadban (indirect election), ay tahay hanaanka keliya ee ka suurta geli kara Doorashada dalka 20/21, halka Farmaajo uu riixayo sharci doorasheedkii uu saxiixay. Arinkan ayaa abuuri kara khilaaaf hore leh , wakhtigan kala guurka ah mar kale hadheeya DF iyo Dowlad Gobolleedyada.
WardheerNews