Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Faraqa u dhexeeya xil Qaran iyo Dan gaar ah

By Axmed Bashir

Nin xil qaaday eed qaad

Xildhibaan ka tiran Baarlamaanka Puntland oo waydiiyay Madaxwanaha Puntland su’aallo salka ku haya isla xisaabtan ayaa sababay in Siciid Deni xanaaqo oo isaga baxo fadhgii Baarlamaanka. Madaxda Soomaalidu miyaysan garnayn in xaq loogu leeyhay in lala xisaabtamo, iyo in haddii aysan rabin in lala xisaabtamo ay tahay inay xilka isaga degaan.

Calanka Ummadda Soomaaliyeed

Maxa ka qaldan cagliga Soomaalida

Caqliga dadka Soomaalida ah maxaa ka qaldan oo ay u fahmi la’ yihiin faraqa u dhexeeya: Qabiilka iyo qaranka, waddaniyadda iyo shisheeye u adeegga, dawalad iyo dawlad la’aan, danta guud iyo danta gaarka ah. Ikhtiyaarka qofku u leeyahay fikirkiisa laakiin uu iska indha tirayo waajibka ka saaran ilaalinta iyo difaacidda dawladdiisa, taageeridda qof ama koox lagu taageero nacfi aad ka helayso ama inaad isku qabiil tihiin ee aan lagu taageerin wax qabadka wanaagsan ee uu qofkaas ama kooxdaas leedahay, xalaal shaqaysiga iyo musuq-maasuqa, ilaalinta sharciga iyo ku xad gudubka sharciga.

Madax iyo culimo ganacsato ah sharicaga ma ilaalin karaan

Madaxda iyo culimada haddii ay ganacsato noqdaan way adkaanaysaa in la kala saaro shaqadii qaranka iyo danihii ganacsiga. Sidaa awgeed waa in la diiwaan galiyo nooc walba oo hanta ah oo u leeyahay qofka xil ka qabanaya dalka, si loogula xisaabtamo haddii uu boobo, dhaco, ama xado hantida guud.

Sidee u dhici kartaa in Xasan Sheekh (Xasan Shiikh lacgtan xagee geeyay), Shariif Sakiin, Axmed Madoobe, Cabdiwali Gaas, Sheekh Shariif, iyo rag la mid ah ay haystaan  Malaayiin Dollar, guryo malaayiin Dollar ahna uga dhisteen Turkiga, Kenya, Imaraatka, Malaysia, iwm, iyagoo bishiiba qaadayay mushaar dhowr kun oo Dollar ah.

Waxaasi sow xatooyo xoolo dadwayne iyo dhac bareer ah ma aha?
Yaa la xisaabtami doona goormaase lala xisaabtami doonaa?
Sayid Maxamed Cabdille Xasan wuxuu yiri:

“Culimada sidii Baaniyaal beledka Gaalka Joogta
Baabkii Allaa laga aqriyay inay baloobeen
Belelka naareed inay Guban ba’a’ e’ yaa u sheega”

Haddaba ilaa culimada, madaxda iyo shaqaalaha dawladdu ay faraha kala baxaan ganacsiga, way adkaanaysaa si dawladdu u hagaagto, waayo haddii culimada iyo madaxdu ganacsiga faraha kula sii jiraan waxa iska hor imaanaya sidii ay u kala sooci lahaayeen danta ganacsigooda iyo waajibaadka ka saaran gudashada xilkooda qaran.

Dawlad ma jiri karto ciidan la’aan

Waa inaan fahamnaa in dawlad aysan sii jiri karin ciidan la’aan, ciidankuna wuxuu u baahan yahay dhaqaale iyo hub uu ku difaaco dalka gudihiisa iyo xuduudihiisaba. Sidoo kale musuq-maasuq la’aan, iyo cadaadalad la’aan dawlad ma sii dhisnaan karto. Dawlad la’aana bur-bur baahsan oo dalka oo dhan ku habsada ka dhasha. Taasina waxay keenaysaa inaan  u jilicno cadowgeena, ha ahaado shisheeye ama sokeeye.

Doorka Mucaardka

Mucaaraka ujeedadiisu ma aha inay noqoto sidii kursiga looga qaadi lahaa qofka markaas xilka haya, ee waa inay noqoto in ay la imaan karaan wax qabad ka wanaagsan kan xukuumadda markaas jirta. Mucaaradku waa inay shacabka ka dhaadhicin karaan barnaamijyo si dhab ah oo wax ka beddali kara nolosha, nabadda, dhaqaalaha, horumarka, midnimada, iyo qaranimada dalkooda iyo dadkooda.

Maxaa xal ah?

Madaxda degmooyinka, gobollada, maamul goboleedyadu waa inay kulligood ku yimaadan doorasho qof iyo cod ah. Sidoo kale waa inay kulligood isku yeeshaan xuquuq siman oo kor iyo hoosba u socon karta.

Taa macnaheedu waxa weeye in tallaabooyin la mid ah kuwa maamul goboleedku  ka qaadi karo dawladda dhexe, ay degmooyinka iyo gobollada maamul goboleedku ka qaadi karaan maamul goboleedkooda. Ilaa heer joojin wada shaqayn!

Taa oo qura baa maamullada dalka ka jira oo dhan ku kala bed-baadi karaan, waayo mid waliba wuxuu iska ilaalin doonaa inuu ku xadgudbo xuquuqda midka kale si aan isagana loogu xad gudbin oo u ilaashan karo xuquuqdiisa.

Axmed Bashir
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.