Falanqayn: “XADKA RIDDADA .. MAXAA KA RUN AH”

W.Q. Sicid Jaamac Xuseen

Buug xiisad weyn kiciyay

Waxaa dhowaan ii soo gacangalay buuggan ‘XADKA RIDDADA.. MAXAA KA RUN AH?’ Si guud ayaan beryahanba ula socday buuq iyo sawaxan badan oo ku saabsan buuggan iyo qoraagiisa. Muran kulul iyo hadallo taagtaagan, ayaa dhexmarayay inta buugga ku tilmaantay inuu si weyn u durayo diinta Islaamka oo ay ku waajibtay in la gubo .. iyo in ku andacoonaysa in buuggu mudan yahay in si deggan loo akhristo oo arrimaha uu ka hadlayo, diinta Islaamku waxay ka qabto si miyir qab ah looga baaraandego. Kooxda dambe, waxaa ka tirsan kuwo hor iyo horraanba ka soo horjeeda talada iyo xukunka go’aaminaya in buug la gubo sidiisaba. Hugunkaas, ayaa igu dhaliyay inaan falanqayntan aad u kooban ka sameeyo buugga.

Akhriska buugga ka hor iyo ka dib toonna qasdigaygu ma aha in kooxaha isku haya mawduuca buugga ee iskaga soo horjeeda, aan diinta ugu kala xaqsooro si aanan laftaydu ugu muuqan garsoore iyo mufti laftiisu xukun uu isa siiyay jihaysanaya.

Si aan marna madmadow gelin, ayuu qoraaga buuggu C/Saciid Cabdi Ismaaciil, sida magca buugga ka muuqata, sheegayaa in muraadka ugu weyni uu yahay inuu bayaamiyo arrinta ‘gaalaynta qofka muslinka ah’ iyo ‘xadka riddada’ oo micnaheedu yahay ciqaabta uu qofka diinta ka baxaa ifka ku muto. Taas oo culumo badani qabto inuu dil yahay, ayaa qoraagu ku soo bandhigayaa buugga xaanshadihiisa in haddii quraanka kariimka loo raaco iyo sunnahii nebiga (scw) aanay meelna ku caddayn dilkaasi ee had walba loo rakaabsado sababo siyaasi ah iyo dano shakhsi ah.

Buuggan ama buug-yarahani 133 bog ayuu ka kooban yahay. 13 qoddob, ayaa qoraagu u kala bixiyay. Kuwa ugu roonrooni waxay kala yihiin:

– Islaamka iyo xorriyadda diinta,

– Quraanka kariimka ah iyo riddada

– Axaadiista nebiga iyo riddada

– Maxaa ka run ah in culumadu isku raaceen xadka riddada?

– Riddada iyo siyaasadaynta diinta

13ka qodob ee qoraagu u kala saaray buuggiisa, mid aan buug waafi ah ama dhawr buug laga qorini ama laga qori karini ma jiro. Taasi waxay ka marag kacaysaa sida cajiibka ah ee qoraagu ugu dadaalay inuu 133 xaansho keliya mawduucyadaas wada culus isugu soo ururiyo; gaar ahaan marka Af-Soomaaliga laga hadlayo.

Qoraagu, si gaar ah, ayuu u qaadaa-dhigayaa mawduuca RIDDADA iyo diintu waxay ka qabto ciqaabtiisa. Aayadaha quraanka kariimka ah, ayuu daliishanayaa inay “tilmaamayaan noocyo badan oo ciqaab ah oo murtadku ka mudan yahay xagga Alle maalinta aakhiro. Ciqaabtaasna waxaa ka mid ah in camalkiisu adduun iyo aakhiroba hoobanayo, inuu naarta ku waaryo, in lacnadda Alle ku dhacayso, in cadaabta aan laga khafiifinayn, in hannuunka laga dheeraynayo, iyo inaan toobadda laga aqbalayn kuwa gaalnimadoodu soo noqnoqoto. Sidaas oo ay tahayna ma jirto aayad keliya oo xustay xad ama ciqaab adduunyo oo ay tahay in murtadka lagu fuliyo.”

Sida buugga magaciisu sheegayo, in kastoo uu RIDDADA culayska saarayo, misna qoraagu dhawr mawduuc oo dhammaantood culumadu isku diiddan yihiin sida kan riddada, ayuu wada tilmaamayaa iyo mawqifkiisa cad ee u ka taagan yahay, waxaana ka mid ah:

– Magta haweenka iyo gudniinka gabdhaha

– Diinta iyo dawladda

– Qisaaska iyo dembiyada sida qofka looga gooyo

Gudniinka gabdhaha inay ahayd caado ka horraysay diinta Islaamka oo la laasimay, ayuu qoraagu ku sheegayaa oo aan quraanka iyo xadiiska qumman toonna ku soo aroorin. Dhinaca kale, nafta bani’aadmigu inay siman tahay, rag iyo haween, gaal iyo islaam, Alle hortii oo mar walba lagu soo qaadayo in naf naf ka sarraysaa aanay jirin; halka magta haweenka ee barku ka socdayna ay ahayd iyadoo had walba la waafajinayay durufihii lagu noolaa iyo sidii loo kala ciidamin badnaa qoyska gudahiisa iyo wixii la mid ah oo dhaqan soo jireen ah ahayd.

Dhinaca dawladda iyo diinta qoraagu toos, ayuu u sheegayaa in xukunka ku tilmaaman quraanku uu yahay qofafka isqabsada in axwaashooda lagu kala saaro mooyee aan diintu meelna toos iyo dadab toonna u abbaarin habkii dawwlad loo maamuli lahaa. Maamulka dawladdu waa wax isbeddelaya xilli walba. Dadka caqligooda iyo danahooda iyo dastuurkooda, ayaa dejista iyadoo la waafajinayo duruufaha lagu nool yahay. Madax kasta oo dawladeed si ay ugu muuqato inay tubtii diinta Islaamku fartay ay ku socdaan, ayaa iyagoo waxay rabaan walaaqanaya, misna sheegtaan inay amarkii Alle talada ku hayaan; ciddii ka hor timaaddana ku sheegaan kuwo Alle ku caasiyoobay oo gaalo ah. Caalin iyo waddaad u qiil bixiya oo mufti laga dhigtona marna lama waayin lamana waayo xilli kasta iyo meel kasta ha ahaatee.

Ma aha markii u horraysay ee arrimahan laga hadlayo – 13ka qodob – ama laga doodo. Buuggaag badan, ayaa laga qoray. Hase ahaatee, waa markii ugu horraysay ee caalin Soomaaliyeed oo soo bartay diinta Islaamka uu arrimahan buug daabacan ku soo bandhigay. In afka la isaga sheego mooyee, ma ay dhici jirin in arrimahan xasaasiga ah sida riddada ama magta haweenka in sidii hore loogu maqlay mooyee, in shaki la geliyo oo asalkii diinta – quraanka, sunnaha iyo culumadii waxay isku raacsan yihiin – hubsiimo dib laysku la noqdo, wax dhici jiray ma ahayn. Waana tan yaabku ka dhashay, markii buuggani falalka iyo dhaqankii yiqiinta loo qaatay inuu diinta Alle soo dejiyay ku qotomo uu su’aalo adag ka hor keenay in dhegaha la wada taago oo dhabannada la qabsado.

Qoraagu waxaa uu sheegayaa in diinta Islaamku tahay quraanka kariimka iyo sunninhii nebiga (SCW) oo danta bani’aadmiga iyo horumarkiisa u adeegaysa oo nuxurkeeda aan marna isbeddel ku imanayn. Ummadda ku camalfalaysa quraanka iyo sunnaha ayay jirtaa siday u fasiran lahaayeen aayadaha quraanka iyo axaadiista nebiga (scw) iyagoo danahooda u adeegsanaya. Fasirkaasna culumada xilligaa joogta, ayuu la gudboon yahay. Sida la ogsoon yahay culumadu waa dad fasirkoodu si kasta ay daacad u yihiin is khilaafi karo hadba meesha ay ka kala eegayaan (damac iyo danaysi hadduu soo galona hadalkeedaba daa!). Labada qaybood ee culumada Islaamka ugu fadalka cad waxay kala yihiin kuwa loo yaqaan SALAFIYIINTA oo u taagan in sidii casirigii saxaabada diinta loo fasirto oo labka iyo qalqallooca laga jiro haddii la rabo inuu Islaamku guulaysto. Kooxda kale waa kuwa loo yaqaan CULUMADA CASRIGA oo iyagu la soo taagan axwaashii kun sano ka hor dunida ka jirtay, imminka innaga inna ma anfacayo, diintana u hiilin maayo, dad kalena laguma soo xero gelin karo oo caqliga aadamiga ayaa diidaya oo ka hor imanaya ee iyadoo naskii diinta iyo nuxurkeedii wax nusqaan ku iman, aan duruufta casrigan lagu nool yahay waafajino. Qoraaga buuggu, sida ka muuqata doodihiisa badan, kooxdan dambe ayay dhinaca fasiraadda isku aragti yihiin.

Dhawr iyo tobankan sano ee u dambeeyay waa loo jeedaa sida warbaahinta reer galbeedku ( taasoo sunteeda iyo saamaynteeda weyn lala socdo) meel kasta ka faafiyaan in diinta Islaamka iyo Xuquuqda Bani-aadmigu ay iska soo horjeedaan oo laba isku liddi ah, aan marna la is-qabadsiin karayn yihiin, jeer loo gudbay in la wada simo ‘Argagaxa’ iyo ‘Islaamka’, iyadoo mar walba ay marag u soo qabsanayaan falxumida ‘jar-iska-xoorka’ iyo ‘xagjirka’ falkooda mujrimka ah iyo fikirkooda maaleeyada ah ee maqaamka Islaamka canbaarta ku ah. Qoraaga buugga C/Saciid isagoo ka murugaysan dhagartaa Islaamku munasaha ka yahay ayuu buuggiisa ku soo qaadanayaa “ diinta asalkeeda iyo nuxurkeedu waa turid, naxariis iyo xishood, waayo diintu waxay daahirisaa damiirka dadka, waxayna ku xirtaa samada, muuminkana waxay ku xanbaartaa inu ka fogaado dulmi iyo denbi, waxayna ku bixisaa inu u turo dhammaan uunka Alle”. Halkaa waxaa ka cad in diinta tiirkeeda ugu weyni, cibaadada Alle ka dib, u yahay dhidib-u-aasidda mabaadiida xuquuqul-insaanka, iska daa waxyeello loo geystee.

Akhris deggan ka bacdi, aniga waxaa buuggan iiga baxay:

– in qoraagu hawl aan yarayn iyo waqti badan ku bixiyay soo saaridda buuggan

– in qoraaga ay runtii ka muuqato inu aqoon fiican u leeyahay diinta Islaamka, ay u weheliso culuumta kale ee muujinaya akhris-ballaarkiisu intuu le’eg yahay

– Af Soomaaliga uu adeegsanayaa xagga gudbinta farriintiisa iyo dhawritaanka anshaxa inuu mid soo jiidasho leh yahay

– inu asluub maccallinnimo iyo qancis-ku-dadaal uu si weyn uga taxadaray   duulduul falcelin aan la mahadin keeni kara

– habka iyo qaabka buuggu, isagoo lagu darayo tixraacyada iyo tilmaamaha aad bog walba ugu tegaysid, uu u urursan yahay oo 133 bog laysugu keenay waa

cilmi bogaadin iyo qadderin aan lagaga masuugi karayn.

– aqoonta ballaaran ee adduunka ee uu u kaashaday sida uu u xoojinayo dooddiisa iyana wax badan ayay shakhsiyada qoraaga ka tilmaamay

Falanqayntan gaaban waxaan jeclahay inaan ku gebagebeeyo: ha la akhristo buuggan. Qof waliba intuu ku raacsan yahay iyo intuu ku diidi karo ha soo bandhigo, si dadku u ogaadaan meelaha buuggan lagu durayo iyo inta uu soo kordhiyay ee la mahadinayo. Wa billaahi atawfiiq.

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
Email: sjx2005@hotmail.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published.