Faallo: Natiijada Doorashada Dadban iyo Filashada Shacabka Soomaaliya

W/Q Siciid Faarax

Kalsooni aanan maleynayn buu ii kordhiyey akhriska maqaalka “Natiijada Doorashada Dadban iyo Filashada Shacabka Soomaaliya” oo ku soo baxay degelkan WardheerNews, ee uu qoray Axmad Cabbaas. Waxaa i farxad geliyey sida qoruhu u abbaaray meesha ay ka bugtey dawladnimada Soomaaliya 16kii sano ee ina dhaafay, waqti ay Soomaalidu ka werwersan tahay maanta dhaqanka iyo hoggaanka uu yeelan doono Madaxweynaha ay dooran doonaan.

Waxaa kaloo Cabbaas Gacma-Gaab ku ammaanan yahay aqoonta, darsidda iyo xog-ogaalnimda ka muuqata ee uu u leeyahay kufaa-kaca xaaladaha siyaasadeed ee dadka iyo dalka. Waxay muhimadda dulucda maqaalku I xusuusisay gabaygii Dardaaran xilligii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulla Xasan horraankii qarnigii 20aad markii uu lahaa “Dadow maqal dabuubtayda gabay ama dan ha yeelan, ama dhaha darooryiba jiryey doxorku yeelkiiye.”

Bal akhristayaashu si qota leh ha u dhooxeen qormadan. Ka baaraandegga iyo lafa-gurka kooban ee hab-dhiska dawladnimo, dastuurka, taclinta sharciga, awoodda sharci ee Madaxweynaha, midaynta dalka, cillad-bixinta dawlad-goboleedyada gudohooda iyo cillad-bixinta xurgufta u dhexeysa federaalka iyo dawlad-goboleeyada intuba waxay ka soomaaxdaan dib-u-heshiisiin shacab oo rasmi ah. Kaas oo aan marna la isku deyin 16kii sano ee dawlad-dhexe la’aanta in si habboon loo maareeyo. Siyaasiyiinta kala qoqobtay dalka iyo dadka lalama wadaago maqnaanshaha calool-fayoobi shacabku isku aammino, kalsoonidiisii ku soo noqoto, iskuna dhexmaro.

Ugu dambayntii, u malaynmaayo in ‘khayr-qabaha’ shacabku doondoonayaa ku soo bixi karo Doorashada Dadban oo ah mid aan loo dhammayn, laga wada raalli ahayn, xagga jeebkana loo sinayn. Waxsaan leeyahay “Alla ha dhigo shacabka kuwii haleela hoggaanka ay u oomman yihiin!”

W/Q Siciid Faarax
Email: sfmohamoud@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.