Muqdisho (WDN)- Saraakiisha Amaanka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax galabta ka dhacey xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhashay mooto bajaaj ah.
Ciidamada Amninga ayaa sheegay in qaraxu ka dhacay gudaha mootada, oo qaraxyadu saarnaayeen, waxaana ay qarxeen dhowr jeer oo kala duwan mana jirto cid khasaare ay kasoo gaartey marka laga reebo kooxihii saarnaa mootada.
Booliska ayaa xaqiijiyay in khasaare uusan jiran, aan ka ahayn shaqsiyaadkii qaraxyada ka dambeeyay ee watay, waxayna xaqiijiyen in ay gacanta ku dhigeen wadihii mootoda bajaajta iyo agab kale oo wali aan qarxin isla markaana ay wadaan baaritaanno dheeraad ah, dibna ay kasoo sheegi doonaan wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha Qaraxaasi.
Qaraxyada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa geysta kooxda Alshabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka iyo hay’addaha gacanta siiya ee la shaqeeya, waxaana aalaaba dhibaatadu ku dhacdaa dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha qaraxyadani ka dhacaan.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho