Muqdisho, Juun 19. 2014 (WDN)- Moxamed Salax Annadiif oo ahaa ergaygii Midawga Afrika ee Soomaaliya, ayaa maanta iska casilay jagadaasi, waxaana Iscasilaada Lagu sheegay Barta Internetka ay ku leedahay AMISOM.
Warbixin lagu daabacay website-ka Howlgalka Amisom ee Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in Maxamed Salex Annadif ergayga shaqada kasii tagaya ee Midowga Afrika wakiilka uga haa Soomaaliya uu shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda uga mahadcelinayo qaabkii wanaagsanaa oo ay ula soo shaqeeyeen waqtigii uu xilkaa hayay .
Warbixinta, ayaa lagu xusay in Maxamed Salax Annadif uu xafiiska katagi doono bisha 2da bisha Juulay ee sannadkan 2014.
Lydia Wanyoto Mutende oo ah kuxigeenka Maxamed Annadif, ayaa iyadu xilkan sii heyndoonta ilaa wakiil cusub loosoo magacaabayo Soomaaliya .
Inkastoo aan wali la shaacin sababta rasmiga ah ee ka danbeysay is casilaada, ayaa haddana waxaa jira muran badan oo ka dhax oognaa AMISOM, kaasi oo ku aaddan howlgalka ciiddanka Kenya ee qaybta ka ah AMISOM i oo uu horay u sheegay Annadif in ay isaga baxaan Soomaaliya madaama aanay wada shaqayn wanaagsan la lahayn Shacabka Soomaaliyeed, kana qayb qateen dagaallo u dhaxeeyo qabaa’il Soomaaliyeed.
Kenya ayaa iyadu dhawr jeer ku celisay in aysan kala baxayn ciiddankeeda Soomaaliya inta laga adkaanaayo Shabaab oo ay Kenya u aragto dhibaato ku wajahan Waddankeeda.
Maxamed Nuur Amin
Wardheernews Muqdisho
Leave a Reply