Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Ergadii Jabuuti Ereyada “SOOMAALIYA IYO SOMALILAND” Isku Wax Ma u Yaqaannaan?

W.Q. Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

Shirkii Jabuuti

Marka hore in Soomaaliyi khilaafkooda miis korkii kaga wada hadlaan (inkastoo aan geed hoostii ka jeclaan lahaa) aad baan usoo dhoweynayaa. Su’aalaha in badan oo aan ka mid ahay maskaxdooda ka guuxaysa waxa ka mid ah; marka la leeyahay “Soomaaliya iyo Somaliland” baa wada hadlaya, waa maxay micnaha ay xambaarsan tahay? Dhinacyada is horfadhiyaase ma isku waafaqsan yihiin micnaha “Soomaaliya iyo Somaliland”? Haddiise aanay isku waafaqsanayn micnaha ereyadan, cawaaqib ma ku yeelan karaysaa waxa meesha kasoo baxa dhaqangelintiisa?

Waxaan badideennu ognahay in dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay dastuur leedahay, dastuurkaasna dhammaan Jamhuuriyaddi Soomaalida ee 1960-kii midnimada loogu wanqalay/walqalay ayaa ku dhan. Sidaa daraaddeed, magaca Somaliland iyada wuxuu ugu astaysan yahay gobollo Soomaaliyeed oo ka tirsan dawladda “Soomaaliya”. Dhanka kale maamulka Somaliland wuxuu leeyahay dastuur qeexaya in dhulkii Soomaaliyeed ee Ingiriisku gumaysan jirey oo dhan uu ka tirsan yahay maamulka “Somaliland”. Dhulkan Somaliland dastuurkeeda ku qoran waxaa ka mid ah degaannada Sool, Sanaag, Haylaan iyo Cayn (SSHC). Degaannada dadka deggani badidoodu waa dad “midnimada Soomaaiya” aamminsan kuna qanacsan. Waxa kale oo jirta in maamulka Puntland ay degaannadi wax ka dhisteen nacfiba yaanay ku qabine, oo ay dastuurka Puntland-na sidaa ka Somaliland ku xardhan yihiin. 

Haddaba haddaan dib ugu noqonno shirarkii hore ee dhexmaray maamulka Somaliland iyo Soomaaliya waxaa dalabka Somaliland ka mid ahaan jirey inaan ergada dhanka Soomaaliya ka imaanaysa lagu soo darin dad reer Waqooyi ah oo midnimada metelaya. Dalabkaasi xukuumadihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh may aqbalin. Haddaba waxa maanta shirkii Jabuuti “ugubka” ku ahi waxa weeye in xukuumaddan Madaxweyne Farmaajo ay shirka ka hor aqbashay dalabkii Somaliland ee ahaa in ergada dhanka Soomaaliya laga reebo reer Waqooyiga midnimada aamminsan.

Maxay arrinkaasi, Somaliland uga dhigan tahay? Jawaabtu waxa weeye, waxay uga dhigan tahay guul aad u weyn oo ah in afkii gobollada Waqooyi iyo metelaaddiiba gacanta loo geliyey maamulka Hargeysa, oo ay iyagu metelaan dadka reer Waqooyi oo dhan. 

Arrinka Jabuuti ka dhacay markaa saw uma eka in dadkii reer Waqooyi ee midnimada u taagnaa, wax walbana u seegay in dawladdii midnimada masuulka ka ahayd ay dhabarka ka toogatay. Teeda kale haddii shirkii caalamka oo dhammi goobjoogga ka ahaa, ama daawanayeen ay dawladdii Federaalku ogolaatay in “dhammaan gobollada waqooyi” goonni-goosato yihiin oo Muuse Biixi metelo, sidaana wax loogu kala saxeexo iyadoo markhaati laga yahay, berrito miyay ku doodi kartaa in degaannada SSHC aanay ka mid ahayn Somaliland oo degaannadaasi midnimada aamminsan yihiin? Waa su’aal Farmaajo hortaalla. 

Waxa intaa soo raaca sida warbaahintu maalmihii u danbeeyey baahineysey in dadkii reer SSHC ay mudaharaadyo ka dhigayeen Buuhoodle, Badhan, Laascaanood iyo Xuddun. Muddaharaadyadaas oo ay ku caddaynayaan mawqifkooda ku aaddan inaan ergada Somaliland  ee Jabuuti joogtay iyo Muuse Biixi toonna degaannadooda metelin, ayna yihiin dad midnimada Soomaaliya aamminsan oo deggan Waqooyiga Soomaaliya. Waxa kaloo intaa weheliya, in maamulka Puntland oo aan markii horeba wanaag badani u dhexayn dawladda federaalka, ay iyana war ka soo saareen shirka Jabuuti, dawladda Soomaaliyana ku eedeeyeen inay dastuurkii, midnimadii qaranka iyo xuquuqdii dadka degaannada SSHC ay meel kaga dhacday. 

Haddii sida wararka lagu soo tebinayo, madaxweyne Farmaajo ogolaaday in Muuse Biixi iyo maamulka Somaliland uu wada metelo gobollada Waqooyi, dadkii reer Waqooyi ee midnimada aamminsanaana iyadoo aan wax talo ah laga weydiin loo xalaaleeyey maamulkii ay soddonka sano hortaagnaayeen ee colaaddaha faraha badani dhexmareen, degaannadoodiina qaar xoog ku qabsaday, xasuuqa ba’an iyo barokacana u geystay tobonaanka kun ee qof. saw markaa Khaa’in waddan maaha MW Farmaajo haddii warkaasi rumoobo. 


Gebagebo

Waqooyiga Soomaaliya waxaa ka jira laba fikradood oo kala ah goonni-goosasho iyo midnimo-doon. Labada fikradoodba xaq bay u leeyihiin inay masiirkoodu wuxuu noqonayo ka doodaan, oo aan midina kan kale u go’aamin. Waxa kale oo Farmaajo uga digaynaa inaanu ku tallaabsan wax aan colaad iyo nacayb mooyee aan wanaag soo kordhinayn. Waxaasi waxa weeye, dad Soomaaliyeed oo walaalo ah oo meel wada deggan oo fikir isku hayey inuu qayb u gacan geliyo masiirkii qaybta kale, oo yidhaahdo idinkaa waxaba metela.

Hadday taasi dhacdo, qaybta la duudsiyey xaqeeda ka tanaasuli mayso wax badan oo ay hore u dhawraneysey oo ay ka mid ahayd mar uun baa dawlad Soomaaliyeed oo isku soo kiin celinaysaa imaanaysaaye bal iska dul qaata oo dagaal ha ku degdegina. Waa sunne Rabbaaniya, noolaha markii cidhiidhi la geliyo oo xal walba laga soo xidho inuu dagaal aanu waxba reeban go’aansado. SNM baa tusaale nool ah, markii jiho walba kasoo xidhantay waatay isa soo miidaamiyeen, sidaana hadafkoodii ku gaadheen. Maanta waxa muuqata in madaxweyne Farmaajo uu sabab u noqon karayo in dagaal la ismiidaaminayaa Waqooyiga Soomaaliya ka qarxo (Ilaah ha inaga baajiyee) haddaanu dadka dhulkaa deggan xuquuq isku mida u ogolaanin.

 
W.Q. Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.