W/Q: Cabdirisaaq Baraag
Eraygan muhiimka maanta noqday, Senetor, ee dhawaan shaqada helay ayaan goostay bal in aan eraybixin ku hagaagsan afkeena ugu raadiyo.
Asalka, erayga ”Senator” waa Laatiin, waxa uu na ka sinji qabaa oo ka soo jeedaa Roomaankii hore. Waxa uu soo maray dhawr waji sida, ”Senex, Senat iyo Senatus” oo ay ku micnayn jireen ”the elder”, ”the old one”, iyo ”old man” oo ”oday” ama ”duq” ah.
Dhawaanahan ayaa magacii is beddelay oo sawir la is la yaqaan iyo micne fadhiya yeeshay. Casrigan waxaa lagu micneeyaa ”Assembly of elders” oo ah ”Gole Guurti”.
Dawladaha sidan dambe u adeegsada ee dhaqan galiyay waxaa ka mid ah ugu na caansan dawladaha Maraykanka, Faransiisak, Talyaaniga, Kanada, Iyreland, Koonfur Afrika, iyo Ustaraaliya.
Waa Aqalka Sare ee Baarlamaanka waddamadaas, kuwaas oo ah gole dawladda kala taliya arrimaha masiiriga ah, go’aan baaxad leh na gaari kara.
Dhawaan ayuu nidaamkani dalkeena ka hirgalay, sidaas darteed, waxaa la ma huraan noqotay in magacan ”Senator” eraybixin cuddoon oo afkeena ah loo helo. Haddaba, waxa aan u dooray eraygan Senator, eray af Soomaali ah oo ku habboon -waa ”Samatar”!
Senator = Samatar
”Samatar” waa eray dhaqankii miyigeena ka yimid sida ”Mudane” oo kale. ”Mudane” waxaa la oran jiray ”ninka reerka leh ee aan la la wadaagin go’aanka reerka, gasabka ugu sarreeya, gogosha kaliyaate ee la koolkoosho, iwm”. Waxaa la oran jiray ”lagu ma fariisto gogosha mudaneha, lagu ma cuno cuntada weelka mudaneha, lagu ma cabbo biyaha weelka mudaneha iwm”. Taas micneheedu ma ahayn in laga cabsanayo ee waxa ay ahayd in la weynaynayo.
Soomaalidii hore oo dawladnimada dhisaysay ee reer magaalowday eraygii miyiga ee ”Mudane” ayay soo qaadeen oo reer magaaleeyeen deedna xubnaha Baarlamaanka u bixyeen: ”Mudane iyo Mudaneyaal”.
Waxaa la mid ah ”Nabaddoon, Samadoon, Caaqil, Xildhibaan ”.
Markaa ”Samatar” waa ”wanaag sameeye”. Waxaa uu eraygu ka kooban yahay ”Same(o)” iyo ”tar(e)”.
Eraygani siyaabaha uu i su badbaddalayo bal u fiirto:
”Senator” = Samatar ”Senators” = Samartarro
Waxaa la oranayaa ”Halkan 1 ”Samatar” ayaa fadhiya”. Waxaa kale oo la oranayaa ”Halkan ”Samatarro” badan ayaa fadhiya”. ”Labo ama saddex ”Samatar” ayaa fadhiya” na waa la oran karayaa!
Dabeecad, muuqaal ama maqal kale oo labadan eray ee ”Senator” iyo ”Samatar” ka dhexeeyana waa iska muuqataa oo haddii ay adagtahay in magacan in badani taqaan oo caanka baxay ee ”Senator” in laga guuro oo eray kale lagu baddalo oo uu hir galo ay adag tahay, miyaanay fududayn in eray u dhaw oo afkeena ah looga digarogto? ”Senator” waa afkooda, ”Samatar” se waa afkeena, waa na isku micne.
Tusaaleyaal:
1.”Senator” waxa ay af Soomaali ku tahay Samatar.
2. Soomaaliya waxa ay leedahay 54 Samatar.
3. Hal Samatar ayaa u codeeyay qorshehaas.
4. Samatarro kor u dhaafaya 20 ayaa ka codeeyay.
5. Ha loo yeero Samatarkii qorshehan hindisay.
W/Q: Cabdirisaaq Baraag
Email: Ibnbaraag@gmail.com
Leave a Reply