W/Q Xamse A. Kheyre
Hordhac
Tan iyo markii u horreysay ee idaacad afka Soomaliga ku baxdaa ay hawada soo gashay afartameeyadii, turjumaadda ereyada qalaad waxay ahayd mid ay la legdemaan hawl-wadeennada idaacadaha iyo warbaahinta kale ee Soomaalidu. Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, tusaale ahaan, ayaa wararka caalamka ee ay baahiso marka hore warka isagoo af-ingiriisi ah ka hesha xafiiskooda wararka ee dhexe kadibna u bedesha Afka Soomaaliga.
Ereyada Ingiriisiga ah qaar baa ah kuwo af-soomaaliga in turjumaad looga helaa ay adag tahay oo aan dhaqanka ama xadaaradda Soomaalida aan ku jirin halka kuwo kalena ayna kuba habboonayn dhaqanka Soomaaliga. Kuwa hore waxaa ka mid ah “Globalization” oo aan maqaalkan ku eegi doono sidii loo turjumay iyo gol-daloollada ka soo if-baxday. Kuwo dambe, ereyadda dhaqanka Soomaaliga aan ku habboonayn, metelan, waxaa ka mid ah ereyga “ Saaxiibaddii” oo dhawaan aan ka maqlay idaacadda BBC-da mar ay ka waramaysay kiiskii ninkii xiddigga ahaa Oskar Bistooriyas ee reer Koonfur Afrika iyo gabadh ay isku cindanaayeen oo la odhan jiray Rifaristiin Kaam oo la leeyahay wuu dilay.
Warkaasi wuxuu wariyuhu u soo gudbiyay sidan “…..Waxaa magaalada Biritooriya dib uga furmay dhegaysiga kiiskii Oskar Bistooriyas iyo Saaxiibaddii…” . Saaxiibkay oo aan gaadhigiisa saarnaa kana dhagaysnayay ayaan waydiiyay adeegsiga ereyga Saaxiibaddiis iyo ku-habboonaantiisa in dhegaystayaasha idaacadaas oo iskugu jira dad waawayn, dhalinyar iyo carruurba? Dood dheer kadib waxaanu isku qancinay in loo baahan yahay in warbaahinta guud ahaan iyo gaar ahaan idaacadda BBC-da oo Soomaalidu aad u dhagaysto ay xil badan iska saaraan soo-tebinta ereyada qalaad oo qaarkood xambaarsan yihiin arrimo gef iyo meel ka dhac ku ah dhegaystayaashooda.
Maqaalkan waxaan ku iftiimin doonaa mid ka mid ah ereyada gadaal-soo-baxa ah, waa “Globalisation” iyo sida ay turjumaadiisu u hantaaqantay balse ilaa iyo hadeertan aanay dhegaystaayaasha iyo hawl-wadeennada warbaahintu ka warqabin ama ku baraarugsanayn. Ereygan “Globalization” oo lagu tarjumay “Edeggayn” maaha ereyga keliya ee tarjumaadiisu isku-keen rogtay balse waxaa jira xayn kale oo ku dhex dhuumalaysanaysa af Soomaaliga loona baahan yahay in laga daba-tago, lana saxo.
Halkan ka akhri maqaalka oo dhan
Xamse A. Khayre
Email:abdeeq2005@hotmail.com
Hargeysa Somaliland
Leave a Reply