Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

“Duqsiga Elektaronikada”: Col duullaan ku ah dowladnimada! 

Dr. Cabdi Fitaax Nuur Axmed (Ashkir) 

Muddo maalmo laga joogo (10-2-2020) ayaan hadal ka jeediyay xarunta Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda Puntland, munaasabadduna waxay ahayd: xaflad xilwareejin loo sameenayay Agaasimihii hore ee PLTV Jamaal Carab Yusuf, iyadoo ayaan carrabaabay “Duqsiga Elektaronikada” ah, anigoon wax faah faahin dheeri ah ka bixin. Eray bixintaas, ayaa siyaasiyiinta iyo dhillinta baraha bulshada isticmaashaa, si mug leh faallooyin uga bixiyeen. Hadal-jeedintayda ka horna waxaa uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni sheegay in Facebook lagu soo daayay col abaabulan, ujeedkooduna yahay  duminta waxay Soomaali ku heshiisay ee ah dhidibba-u- aaska iyo taaabbo-galinta nidaam Federaal ku dhisan.

Haddaba waxaan jeclaystay in aan akhristayaasha la wadaago ujeedada eraybixintaas iyo halka ay ka timid? Maxaan dowladda Federalka ah ee Soomaaliyeed ugu summadeeyay? Ciiddamadaan duullaanka ku ah dowladnimada Soomaaliyeed ee curdunka ahi, kuma ayay ahaayeen? Maxaa nala gudboon oon uga hortagi karnaa ciiddaamadaan ku hubeysan aragtida Federaal la dirirka ah?!!

Inta aanan u guda galin nuxurka dhambaalkaygani xambaarsanyahay, aan faallada kaga bixinayo ciidammada “Duqsiga Elektaronikada” ah, aan idin xusuusiyo -akhristow-  in maalintii ay taariikhdu ku beegnayd:13-2-2020 ay hay’adda “Amnesty International” soo saartay baaq ay kaga warrameyso in dowladda Federalka ah ee Soomaaliyeed ay hawl-galisay, kooxo shaqadoodu tahay la socodka warbaahinta iyo baraha bulshada, ciddii aragti ahaan dowladda Federalka ah ka soo horjeeddana laga xiro cinwaanka uu adeegsado ee Facebook iyo Twitter, cagajuglayn iyo hanjabaadna loo diro qaarkood, waana tallaabo ciriiri galinaysa xorriyatul qawlka iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed ee duruufaha adag ku shaqeeya! 

Maxaa loola jeedaa “Duqsiga Elektaronikada? 

Eraybixinta “Duqsiga Elektaronikada” Afka Carabigana lagu yiraahdo (AL-DUBAAB AL-ILIKTAROONI) waxay soo shaac-baxday sannaddii 2018-kii, hardankii dowladaha khaliijka ah ka dib, ee qudhiisu ka dhashay markii la jabsaday cinwaanka Wakaaladda Wararka Qatar ay ku leedahay, warka lagu daabacay oo nuxurkiisu ahaa diriro iyo isku dhufasho qaawan la doonayay in Qatar iyo Boqortooyada Sacuudiga laysku diro, ayaa dalka issutagga Imaaraatka Carabta, Sacuudiga, Baxrayn iyo Masar (Egypt) waxay go’aan ku qaateen -durbadiiba- in ay xiriirka u jaraan dalka Qatar. 

Go’aankaas ka dib, dhinacyada hardanku u dhaxeeyo ee dowladaha Khaliijka waxay billaabeen in ay hawl-galiyaan kooxo shaqadoodu tahay: fidinta farriimo xambaarsan utun-colaadeed, sumcad dilid lagu sameenayo madaxda dalalka khaliijka iyo isu miciyo-lisasho aan la xeerinayn diin iyo derisnimo toonna.

Ciiddamadaas carabta is haysa hawl-galiyeen, waxay durbadiiba ku yaaceen in ay sameystaan cinwaano been-abuur ah oo ay ka furteen Twitter-ka iyo Facebook-ga, eraybixintuna waxay ka timid “Duqsiga” oo ah cayayaan xambaarsan wasakh iyo Jeermi, ciiddamada la hawl-galiyana, waxay ahayeen kuwa afkoodu wax kastaa karo, cidna aan ka xishoon, ilaa loo dhaadhacay guryaha madaxda khaliijka qaarkood. Dowladihii Khaliijka ee is hayay, dhammaantood waxay isku adeegsadeen ciiddamadaas qolo waliba ay talis dhexe ee laga hago u sameysatay, farriimaha colaad-hurinta ahna looga qaybiyo.

Shinnida iyo Duqsiga!

Saxafigii caanka ahaa ee Jamaal Khashoggi ka hor inta aan lagu dilin qunsuliyadda dalkiisa Sacuudiga ay ku leedahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiya, wuxuu ku hawlanaa dhisidda ciidan kaloo ka horjeeda kan lagu magaacabay “Duqsiga Elektronikada” ah, oo ay ula magax-baxeen -isaga iyo saaxiibkiis Cumar Cabdulcasiis, oo ah mucaarad ku nool dalka Kanada- “Shinniada Elektaroniga ah” , ujeeddadooduna waxay ahayd siduu wareysiyo farabadan ku bixiyay Cumar Cabdulcasiis in ay dhiirrigaliyaan kooxo same-doonno ah, qorana farriimo liddi ku ah kuwa Duqsiga, faafiyana kuwa kaloo samo-raadis xambaarsan, isu soo dhaweyn karana walaalaha Khaliijka ah ee colaaddu dhex-martay. 

Cumar Cabdicasiis waxa uu sheegay ka hor inta aan la dilin Jamaal, in uu u soo xawilay lacag dhan $5000 (shan kun oo doollar) si uu “Sim cards” ugu iibiyo loona  qaybiyo dabadeed ciidamada “Shinnida” ee ku sugan Khaliijka.  Jaamacadda Toronto University cilmi-baare ka hawl gala Sheybaarka Jaamacaddaas (Citizen Lap) wuxuu cadeeyay in boqortooyada Sacuudigu ay ka warheshay qorshaha “Shinnida” iyadoo adeegsatay Software la yiraahdo “Pegasus” oo ay dalal badan oo Khaliijka ahi  ka soo iibsadeen dalka ay colaadda soo jireenka ah Carabta ka dhaxeyso ee  “Israel”, waana barnaamij ay u adeegsadaan dalalkaasi dabagalka mucaaradka iyo cid kasta oo ay u arkaan in ay siyaasaddooda ka soo horjeedaan.

Dowladda Federalka Soomaaliya iyo “Duqsiga Elektaroniga” ah! 

Hoggaanka aan kalsoonida buuxda isku qabin, wuxuu had iyo jeer door-bidaa adeegsiga “barobagandada” iyo dacaayadaha aan sal iyo raadka toonna lahayn. Haddaan soo xooriyo ujeeddada guud ee barobagandada, waxay ku soo aruuraysaa in shacabka la marin-habaabiyo, xog aan dhammaystirneynna la siiyo, sidii la rabana xogta loogu sheego, waana sida ay dowladda Federal-ka Soomaaliyeed imminkaba ku dhaqanto. Horeyna waxay taariikhdu xustaa in madaxweynihii Mareykanka ee Woodrow Wilson uu adeegsaday saxafi caan ahaa oo la oran jiray George Creel si uu u marin- habaabiyo shacabka Mareykanka oo diidanaa ka qayb-galka dalkooda ee dagaalkii koowaad ee dunida (1914-1918). 

 Woodrow Wilson waji-gabax iyo fadeexad buuna kala kulmay isku daygiisii ahaa marin-habaabinta shacabka. Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan talo ku siin lahaa in uu guud ahaanba joojiyo colkaa duullaanka ku ah cid walboo damacdaa in ay talo iyo tusaaleynba dowladda Federalka u soo jeediso

Buug uu qoray qoraa u dhashay Mareynka oo caan ah Noam Chomsky uguna magac-daray (AL-ASLIXA AL-SAAMITAH FII AL-XURUUBIN HAADI’AH) oo markii Soomaali loo turjumo noqonaya “ Hubka Aamusan ee dagaallada qabow” ahna buug yare xambaarsan dokument sir ah, oo la qoray 1979-kii, oo sida qoraagu uu sheegay ay qortay wakaaladda Sirdoonka ee mareykanka “CIA” wuxuu si aan la filayn dokumentigaas fakaday 1986-kii,  markii aad si dhab ahna ugu koor-gasho,  10-ka qorshe ee ku dhigan buuggaas, oo dhammaantood xoogga saaraya adeegsiga warbaahinta, waxaa kuu muuqanaya in dowladda Federaal-ka ah ee imminka talada dalka haysaa, ay ku dhaqanto waxa ku qornaa buuggaas, yoolkiisu yahay: sidee loo dhisaa dowlad kaligi talis xukumo, bulshadana marin-habaabisa! 

Dowladda Federalku markii ay talada dalka la wareegtay 2017-kii, waxay durbadiiba guda gashay in ay dhisto col abaabulan oo qabta shaqada “Duqsiga Elektaroniga” ah, yoolkooduna yahay: sida ay ula diriri lahaayeen nidaamka Federaalaynta ee Soomaaliya, looguna baddali lahaa nidaam dowlad dhexe oo hal meel laga maamulo. Dowlad-goboleed; ama siyaasi kastaa oo isku daya in uu ummadda Soomaaliyeed u sharxo wixii ay Soomaali ku heshiisay, waxaa si lama filaan ah loogu soo kicinayaa col abaabulan dhinaca baraha bulshada iyo warbaahinta dowladdu maamulkeeda leedahay (hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdirimaan Cabdi Shakuur iyo raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirishiid) baynu tusaale dhow u soo qaadan karnaa, oo weerar qaawan lagu qaaday. Kaaso xambaarsan farriimo dowlad dhexe  iyo in nidaamka federal-ku yahay mid dano dowlado shisheeya u sheeqeynaya. 

Waa dhab, marag ma doonta ah, in warbaahinta loo adeegsado dhinaca faafimta afkaarta dowladuhu doonayaan in ay bulshadooda gaarsiiyaan, oo sida gabaygii Sallaan Carabey tirayayba laga dheegan karo in afku yahay hub la adeegsado: Afkuba wuxuu la xoog yahay magliga Xawda kaa jara’e, misana, waxaa meesha ku jirta in afku dirirku aan loo adeegsan bulsho kala gayn ee loo adeegsado wixii lagu heshiiyay in lagu fuliyo. 

Waana halka aan ka dooneyno dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliyeed in ay ku dhaqanto, tollow farriintaydaan ma gaari doontaa! Bal adba! 

Dr Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)
Emai: [email protected]


Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.