Dowladda Soomaaliya & QM oo cambaareeyay weerarkii xarrunta QM ee Muqdisho (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya & QM oo cambaareeyay weerarkii xarrunta QM ee Muqdisho (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya, ayaa cambaareysay weerar abaabulan oo saaka barkhadii lagu qaaday xarrunta QM ee Muqdisho ay ku leedahay, halkaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 20 ruux, oo isugu jira ajaaniib iyo dad kale oo Soomaali ah.

Sidoo kale xog-hayaha guud ee QM Ban Ki moon, ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid laga naxo, oo uuna cambaareynayo.

Kooxo Shabaab ka tirsan oo si gaar ah u abaabulan oo ku dhawaad 10 ahaa, kuna lebisnaa dareyska ciidamada dowladda, ayaa gudaha u galay xarruntii hore ee UNDP Muqdiso, halkaas oo dhawaan loo badalay xarrunta hay’adaha QM ee Soomaaliya.

Ka hor galitaanka kooxdaasi gudaha xarrunta, waxa jirey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu jiirey albaabka hore ee xarrunta, waxana halkaasi ku dhintey rag aan la sheegin intey ahaayeen oo gaariga la socday iyo qaar ka mid ah ilaalada xarrunta.

Kadib, ayay kooxdaasi, oo ku labisneyd dharka ciidamada waxay gudaha u galeen xarrunta UNDP, waxana weerarkaasi uu la mid ahaa weerarkii Abriil ee isla sanadkan lagu qaaday xarrunta maxkamadda gobolka Banaadir, oo muddo kooban Shabaab la wareegeen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Md. C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in 15 ruux ay weerarkaasi ku dhinteen, oo 7 ka mid ah ay ahaayeen shaqaale ajaaniib ah oo gudaha xarrunta ku jiray iyo ilaalada xarrunta oo Soomaali ahaa sidoo kale.

8-da kalena waxa uu wasiirku ku sheegay inay ahaayeen raggii Shabaabka ka tirsanaa ee gudaha u galay xarrunta QM ee Muqdisho.

Ajaaniibta goobta ku dhintey, ayuu Md. Guuleed ku kala sheegay 3 Koonfur Afrikaan ah iyo Mid Kenyaan ah.

Waxa jira dad rayid ah oo goobta ku dhintey markuu dhacay weerarka is miidaaminta ah, iyo askar kale oo dowladda ka tirsan, oo aanu wasiirku sheegin tiradooda, hasa yeeshee wararka madaxa bannaan ayaa sheegaya in tirada guud ee goobtaasi ku dhimatay ay gaarayaan 20 ruux oo isugu jira ciidamo, shaqaale QM, dad rayid ah iyo maleeshiyaadkii goobta weeraray.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee sida gaar ah u tababaran ee Gaashaan Group la yiraahdo, kuwa ka soo baxay xarrunta Xalane oo AMISOM ka mid ah iyo la taliyayaal ajaaniib ah oo dhinaca ammaanka qaabilsan, ayaa markii dambe gudaha u galay xarrunta kuwaas oo iska hor imaad dhex maray  maleeshiyaadkii goobta qabsaday muddo iyo iyga, meeshana ku laayay intii gudaha u gashay ee Shbaabka ka midka aheyd.

Kooxda Shabaab, ayaa weerarkaasi sheegatay, waxayna ku tilmaamtey inay ka gun gaareen hadafkooda, ayna sii wadi doonaan weerarada noocaania h.

1
2un
3un
4un
5un6un7un8unXaaladda, ayaa si kastaba ha’ahaatee caawa ah mid deggan.

Maxamed Nuur Amiin

WardheerNews.com

Muqdisho, Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.