Muqdisho (WDN)- Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Md. Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshayaal si fiican looga baaraan dagay oo lagu ciribtirayo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab dhawaanna bulshada Soomaaliyeed dareemi doonaan.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada amaanka dawladda Soomaaliya dhawaan soo afjareen wax lagu sheegay maxkamado oo kooxda Alshabaab ku lahaayeen duleedka magaalada Muqdisho kuwaasi oo shacabka Soomaaliyeed sida uu sheegay lagu dhibaateyn jirey.
Md. Fiqi ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si dhaw ula shaqeeyaan dawladda iyo ciidamada ammaanka si dhibaatada Alshabaab loo soo afjaro isagoo tilmaamay in ciribtirka Alshabaab aanu ahayn wax dhib badan kaliya u baahantahay in iskaashi dhex maro shacabka iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda.
Md. Axmed Macalin Fiqi ayaa hore usoo noqdey agaasimaha hay’adda nabad sugida qaranka, waxa uuna markii ugu danbeysay ahaa wasiirka amniga Galmudug isagoo qeyb wayn ka qaatey dagaaladii Alshabaab jabka xoogan loogu geystay ee Galmudug ka dhacey.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho