Washington (WDN) War ay qortay Ilo Wareedka Associated Press (AP), ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanku ay joojisay dhammaan kaalmadii ay siin jireen dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo ka dambeysey eedeyn ah in mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay burburiyeen bakhaar lagu keydiyo cuntada oo ay lahayd hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, ayna la wareegeen 76 metric ton oo cunto gargaar ah, oo loogu talagalay danyarta shacbiga Soomaaliyeed ee saboolka ah.
“Maamulka Trump wuxuu leeyahay siyaasad ku qotanta in aan loo dulqaadan karin luninta hantida, xatooyada, Musuqa iyo weecinta gargaarka loogu talo galay naf-badbaadinta,” ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hakisay dhammaan barnaamijyadii gargaarka ee Mareykanka ee socday, kuwaasi oo ay ku taageeri jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayay tiri. “Dib u soo celinta kaalmada waxay ku xirnaan doontaa falcelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hadba sida ay u dhaqan geliso hanaanka ku suntan isla- xisaabtam, iyo in ay qaado tillaabooyinka lagu saxayo falalka musuqa iyo isdaba-marinta .”
Hakintan ayaa timid wakhti xukuumadda Trump ay sare u qaaday dhaleeceynta loo jeedinayo qaxootiga iyo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka, oo ay ku jiraan eedeymo musuqmaasuq oo si aad loo shaaciyay, kuwaasi oo la xiriira xarumaha daryeelka carruurta ( Child Care) ee gobolka Minnesota. Iyada oo xayiraad la saartay Soomaalida doonaysa inay Maraykanka yimaadaan, sidoo kalena ku adkaysay kuwii hore ugu sugnaa Maraykanka inay sii joogaan.
Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin inta ay le’eg tahay kaalmada ay saamaynayso joojintan xukuumadda Trump ayaa horey hoos u dhigay gargaarka dibadda, isaga oo burburiyay Hay’addii Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID), mana soo saarin xog cusub oo ku aadan kaalamda waddan-kasta.
Mareykanka ayaa bixiyay $770 milyan oo lagu caawinayo mashaariicda Soomaaliya sanadkii ugu dambeeyay ee maamulkii Madaxweynaha Dimuqraadiga Joe Biden, laakiin kaliya qeyb ka mid ah lacagtaas ayaa si toos ah ugu dhacday dowladda.
Soomaaliya iyo mandiqada Geesk Afrika, ayaa waxa hadheeyay collaado iyo abaaro daba-dheeraaday iyo amni-darro ay uga sii dartay masiibo dabiici.
WardheerNews

Leave a Reply