Doorasho aan laga filayn wax isbeddel ah oo berri ka dhacaysa Itoobiya

R.W. Abiy Axmed

Jigjiga, (WDN) – Inta badan waddanka Itoobiya ayaa la filayaa in maalinta berri ah oo ay bishan Juun 21ka tahay, ay shacabku u dareeraan doorasho aan wax rajo ah laga qabin in ay wax ka beddeli doonto xaaladda siyaasadeed ee ka jirta dalkaas.

Doorashadan oo ah tii lixaad ee dalkaas ka dhacda tan iyo intii talada laga tuuray taliskii Dhergiga ee uu hoggaamin jiray keligii taliye Mingistu Xaylemariyam, ayaan la filayn in ay wax badan ka duwanaato doorashooyinkii magac-u-yaalka ahaa ee ay qaban jirtay xukuumaddii ay hoggaanka u haysay jabhaddii TPLF.

Dadka siyaasadda Itoobiya u dhuun-daloola ayaa ku tilmaamay doorashadan mid uu rabo in uu ku sharciyeysto hoggaanka dalkaas RW Abiy Axmed, oo isagu ka baarqabaynayay saddeexdii sano ee aan soo dhaafnay dalka Itoobiya.

Xisbiga uu hoggaanka u hayo Abiya ah ayaa la filayaa in uu aqlabiyad aad u weyn ku guulaysto doorashadan maadaama aaanay jirin mucaarad xoog leh oo la tartamaya, iyadoo hoggaamiyayaasha mucaaradka badankoodu ay hadda Xabsiga ku jiraan halka kuwo kalena ay ka qaadaceen doorashada.

Goobjoogayaasha caalamiga ah siiba kuwa ka socda waddamada reer Galbeedka ayaan iyagu goobjoog ka noqon doonin doorashadan ka dib markii ay saluugeen shuruudo ay dawladda Itoobiya ku soo rogtay kormeerkooda hawlaha doorashada.

Deegaanka Soomaalida iyo meelo kale uu ka mid yahay gobolka Tigreega ee ay dagaalada iyo macaluushu saameysay ayaanay iyaga ka dhici doonin doorashadu maalinta berri ah.

Cabashooyin ay urrurada mucaaradka deegaanka Soomaalidu ka sameeyeen qaabkii ay diiwaangelinta musharaxiinta iyo codbixiyeyaashu uga dhacday deegaanka ayaa sababay in dib loo dhigo doorashada.

Mas’uuliyiinta maamulka Kusime madaxweyne Mustafe Cagjar ee gobollada iyo degmooyinka qaarkood ayaa si aan gabbasho lahayn u boobay oo jawaano ku gurtay kaadhashii diiwaangelinta, islamarkaana buuxbuuxsaday iyadoo musharraxiinta qaarkoodna ay ka horistaageen in ay isdiiwaangeliyaan.

Basarxumada sharciga baalmarsan ee uu ku kacay maamulka Cagjar ayaa sababay in deegaanka Soomaalida ay dib u dhacdo doorashadu iyadoo loo asteeyay bisha Sebtember ee foodda innagu soo haysa.

Kusime Cagjar iyo adeegayaashiisa ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay kormeer ku kala bixnayay gobollada iyo degmooyinka iyagoo dhagax dhigaya mashaariic halka kuwo kalena ay xadhiga ka jarayeen.

Socdaalkan oo dadka badankiisu u arkaan mid igu sawir ah ayaa la isweydiinayaa waxa xilligan ku soo beegay maadaama aanay wax doorasho ahi hadda ka dhacayn deegaanka Soomaalida.

WardheerNews