Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale dib loo dhigi doono

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale dib loo dhigi doono

Muqdisho (WDN)- Doorashada guddoonka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose  iyo madaxweynaha  Soomaaliya, oo  ku beegneyd bishan Noofember 23-dii iyo 30-da , ayaa lagu wadaa in  mar kale dib loo dhigo. Ilaa hadda ma jiro wax war ah ama qorshe ah oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka oo ku aadan dib u dhaca doorashooyinkaasi. Illo wareedyo  soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in doorashooyinkaasi dib loogu dhigo doona bishan Diisember ee sanadkan.

somalia_elections1
Doorashooynka Soomaaliya,, 2016

Doorashooyinka golaha Aqalka Hooose oo hadda ka socda mamul goboleedyada, ayaa la sheegay in ay hadheeyeen musuqmaasuq xad dhaaf ah, oo lagu kala gadanaayo kuraasta Baarlamaanka.

Qiimaha kala gadashada kuraastaasi, ayaa lagu soo waramayaa in ay gaadhay lacag kor u dhaaftay hal miliyan oo doolar, gaar ahaan maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle .

Ma aha markii ugu horeysay ee jedwelka doorashooyinkaasi dib loo dhigo, taasi oo ka marag kacaysa qorshe xumadda hoggaanka Soomaaliya iyo guddiga farsamada ee loo xil saaray.

Guddiga Doorashooyinka ayaa horey u soosaaray jedweka doorashayinkaasi sida hoos ku xusan:

  • Doorashada xubnaha Golaha Shacabka Oktoober 23- 10 Nofember
  • In la doorto Guddoonka Baarlamaanka Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare 23-ka Nofember
  • Doorashada Madaxweynuhu 30-ka Nofember

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.