Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorashada Aqalka Hoose Ma Sidii Aqalka Sare Ayey u Dhici Mise Ka Daran?

W.Q. Cismaan X. Maxamed 

Doorashadii xubnaha ku matalaya Dawlad Goboleedyada Aqalka Sare, marka laga reebo xubnaha ka soo galay Dawlad Goboleedka Hirshabeele, waxay ahaayeen shakhsiyaad madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu kuraasta u boobeen, oo aanay doorasho ka dhicin. Waan la wada soconey xubnihii murashaxiinta ahaa in dhammaan liiska laga reebey, oo kaliya hal
qof iyo minxiiska uu keensaday loo xirey kuraasta haba ugu darnaadeen Dawlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

RW Rooble

Ceebtii iyo caddaalad darradii ka dhacday doorashadii Aqlka Sare, waxaa iska leh R/Wasaarah xilgaarsiinta Md. Maxamed Xuseen Rooble maadaama loo igmaday in uu doorashada 2021 kor – joogteeyo habsami u socod keeda, maareeyo wixii carqalada ka soo baxa, isla markaana ku dadaalo in wakhti gaaban lagu soo
afjaro doorasho daahfuran oo si xor iyo xalaala ah u dhacda. Sidoo kale doorashada Aqalka Hoose ee dhawaan la filayo hadday si wanaagsan ama si musuqmaasuq ah u dhacdo, mas’uulyaddeeda waxaa iska leh R/Wasaaraha Xilgaarsiinta.

Qaabkey u Dhacaysaa Doorashada Aqalka Hoose (Golaha Shacabka)?

Waxuu R/Wasaaraha Xilgaarsiintu u oggolaaday madaxda Dawlad Goboleedyadu in ay soo magacaabaan Odey Dhaqameedyada heer Dawlad Goboleed, kuwaas oo soo xulaya Ergooyinka kuraasta beelaha, isla markaana ay diiwaangalinayaan guddiga doorashada ee heer Dawlad
Goboleed. Guddiga doorashada ee heer Faderaal doorkoodu waxuu yahay kaliya in ay ku dhawaaqaan cidda guuleysatay.

Iyadoo la ogyahay caddaalad darrada iyo foolxumada madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyadu, marka laga reebo Dawlad Goboleedka Hirshabeele, ka sameeyeen doorashadii Aqalka Sare; miyaanay ahayn mar haddii madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyadda gacanta loo galiyey in
doorashadii Aqalka Sare oo kale iyo ka daran ka sameeyaan tan Aqalka Hoose (Golaha Shacabka)?

Haddaba wixii laga filaa waa liisto madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyadu soo samaystaan oo ay Guddiga Doorashada ee heer Federaal ku dhawaaqdo.

Madaxweynaha Hirshabeele isagu waxuu ku dhawaaqay in Aqalka Hoose (Golaha Shacabka) doorashadiisa loo marayo isla qaabkii daahfurnaanta ku dhisnaa ee Aqalka Sare Doorashadiisu u Dhacday. Madaxweynaha Galmudug wallow uu rabo in uu isagu liistada qorto, laakiin runtii
waxay u badantahay in aanay u suurto galin, sababtoo ah reeraha Kuraasta leh ayaan ka yeeleeyn oo hadduu isku dayo waxaa dhici karta in dagaal ka qarxo iyadoo iminkaba xaaladda Galmudug qasantahay.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, waxa laga sugaa waa kaliya liis ay iyagu soo qortaan sidii ay ka yeeleen Aqalka Sare. Madxweynaha Koonfur Galbeed isagu waxay u badantahay in uu la tashiyo la sameeyo duqeyda reeraha Kuraasta iska leh, markaana liis dhexdhexaad ah oon laga daba qaylinayn uu soo saaro Sidii kii Aqalka sare.

Gunaanad – Cida Fashilkan Doorashada Mas’uuliyaddeeda Qaadanaysa

Runtii R/Wasaaraha Xilgaarsiinta ee loo igmaday hirgalinta doorashooyinka, ayuu fashilkii doorashadda Aqalka Sare dhabarka u saaranyahay oo cid la wadaagtaa jirin. Doorashada Aqalka Hoose (Golaha Shacabka) waxaan filayaa in ay muddo jiitami doonto oo haddii ay ugu
horreyso soo dhammaan doonto dabayaaqada bisha Disember iyada oo la iswada dacweynayo oo la iska daba lusho, maadaama habraaca doorashadu yahay mid madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada gacanta loo galiyey oo hay’ad ama xafiis korjoogteeynayaa aanu jirin.

Nasiib daro xataa ma jirto meel loo dacwoodaa sababtoo ah dacwadda waxaa go’aanka kama danbeynta ah iska leh Madaxweynaha Maamul Goboleedka. Kii laga dacwoonayey ayaa xaakim ka ah dacwadda sidaa darteed wax shaqo macno leh oo Guddiga Xallinta Khilaafaadku qabanayaan oo iska magac ahayn ma jirto.

R/Wasaarha Xilgaarsiinta waxaa dhici karta in uu sidii tii Aqalka Sare iska hurdo oo xataa aanu mar kaliya ka hadal caddaalad darrada iyo musuqmaasuqa hareeyey iyo in uu boodhka iska jafo oo uu Doorashada Aqalka Hoose (Golaha Shacabka) is daba qabateeyo, sharaftiisana ilaashado.

Taariikhda ayaa qori doonta waxii ka soo baxa Doorashada Aqalka Hoose (Golaha Shacabka) siday horey ugu qortay fashilkii iyo foolxumadii ay ku dhammaatay Aqalka Sare doorashadiisii.

W.Q. Cismaan X. Maxamed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.