Doon ay Saarnaayeen Tahriibayaal Soomaali iyo Ereteriyaan u Badan oo ku Degtay Xeebta Talyaaniga

doonUgu yaraan 82 qof ayaa la sheegayaa in ay dhinteen halka kuwo kale oo badanna aan illaa hadda la hayn raq iyo ruux toona ka dib markii doon ay saarnaayeen kula degtay xeebta Jasiiradda Lambaduusa ee waddanka Talyaaniga.

Booliska iyo ciiddanka ilaalada xeebaha ee waddanka Talyaaniga, ayaa helay doontii ay dadkani saarnaayeen oo degtay ka dib markii uu dab qabsaday.

Duqa magaalada Lambadusa Giusy Nicolini, oo arrintan ka hadashay ayaa xaqiijisay in  ilaa hadda ay heleen 82 qof maydadkooda, kuwaas oo u badan Soomaali iyo Ereteriyiin, halka kuwo kale oo badanna aan weli la hayn.

Ciiddanka Illalda xeebaha, ayaa iyana sheegay in la badbaadiyay ilaa dad tiradoodu gaadhayso 150 qof iyadoo la rumaysanyahay in doontu ay sidday rakaab gaadhaya 400 ilaa 500 oo qof.

Arrintan ayaa waxay ka mid tahay shilal isdaba joog ah oo dhimasho sababa, kuwaas oo ka dhasha safarro ay naftooda ku soo biimeeyaan muhaajiriinta nolol doonka ah ee ka soo cararya dagaallada, saboolnimada iyo gaajada ku habsatay qaaradda Afrika.

WardheerNews