Doolow: Qoysaska ka soo barakacay colaad iyo sicir barar oo cunto yari iyo hoy la’aan ay ku haysato xerada Qurdubey

Doolow: Qoysaska ka soo barakacay colaad iyo sicir barar oo cunto yari iyo hoy la’aan ay ku haysato xerada Qurdubey

Canab Xuseen Maxamed oo ah 54 jir ayaa carruurteeda oo lix ah u la’ cunno iyo hoy ku filan. Qoyskeeda ayaa bishii Agoosto ee sanadkan ka soo barakacay miyiga degaanka Aato ee gobolka Bakool markii ay isku biirsadeen colaad, abaar iyo sicir barar.

Raashin hal wakhti ah oo ay waydiisato qoysaska kula nool xerada Qurdubey ee duuleedka degmada Doolow ayay carruurteeda siisaa oo aan joogto ahayn.

“Xalay baa noogu danbeysay raashin. Raashinba ma karsanno wax aan islaamka ka soo qaadanno mooyee guri keenna ah laguma arkayo. Wax xigto ah oo aan wax ka qaadanno malahan,” ayay tiri.

Qoyska Canab ayaa ka mid ah ku dhawaad shan kun qoys oo ka kala yimid tuulooyin hoos tago magaalooyinka Yeed, Aato iyo Washaaqo ee gobolka Bakool oo ay ka jirto colaad ka dhalatay dagaallo ka dhacay bishu July ee sanadkan.

Xeradu malahan xarun caafimaad iyo goob lagu quudiyo carruurta la il daran nafaqo darrada, waxayna indhahaagu qabanayaan marka aad halkan timaado carruur ay ka muuqato duruufta abaarta iyo cunto yaridu keentay.

“Wax naga danbeeyo oo aduunyo iyo gargaar oo aan sugeyno ma jirto. Wax gargaar ah oo aan meel ka helnay malahan. Ilmaha yar gaajo iyo baahi baa yeeshay. Ma haysanno biyo iyo hoy midna wabigaa ayaa haween dhaqaaqi la’ dhabarka ku dhaansadaan,” ayay tiri Canab.

Canab iyo carruurteeda ayay ku qaatay shan maalmood oo lug ah kadib inay soo gaaraan xeradan. Abaarta ayay ku waayeen 255 noof oo ari ahaa iyo 42 neef oo geel ahaa. Xoolaha marka ay ka dhammaadeen waxay nolal-maalmeedka ka soo saari jireen qoryaha dabka lagu shito oo ay ku iibin jirtay suuqa magaalada Aato.

Qoysaskan ayaa intooda badan waxaa hoy u ah geedaha oo ay ku xirxirteen maryo aan ka celin Karin qorraxada maalinti iyo qabowga habeenkii.

Nuur Cabdulahi Alaale oo haysta wiil lix sano jir ah oo qabo xanuunka albiinada ayaa sheegay in xaaladda wiilkiisa ay aad u adagtahay maadama qabow iyo kulayl midna uusan u adkeysan Karin.

“Wiilkan marki hore xoolaha dheeftooda iyo subaggooda iyo dheecaankooda ayaa lagu daryeeli jiray hadda waa la waayay dadka meeshan igula nool ee xerada jooga isku mid ayaan nahay. Hoy la’aanta isaga wax ugu daran malahan,”ayuu yiri.

Qoyska Nuur oo xoolo dhaqato ku ahaa miyiga magaalada Yeed ee gobolka Bakool ka hor inta uusan colaadda ka soo barakicin dabayaaqadii bishii agoosto waxay abaarta ku waayay 80 neef oo lo’ ahaa iyo ari labo tiro ahaa.

Ma jirto il dhaqaale oo uu qoyskiisu ku tiirsan yahay. Dadka dariska kula ah xerada ayaana mararka qaar ku caawiyo raashin hal mar uu carruurta ku quudiyo. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in welwelka ugu wayn ee uu qabo ay tahay wakhtigan cunno uu carruurta siisto.

“Nolol wax hadda aan dhihi karo waxaas ayay cunnaan ma garanayo. wax guri u yaallo maleh wax jeeb loogu hayo maleh. Xalay rubac bariis oo aan karsanay ayaa noogu danbeysay ilaa xilligan waan ku joognaa,” ayuu yiri Nuur.

Nuur ayaa geesta kale hay’adaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay u soo gurmadaan maadaama aanu helin wax gargaar samafal ah tan iyo imaanshahooda halkan.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo dadka islaamka waxaan leenahay walaalihiin oo meeshan ku baaba’ayo ayaan nahay in si khaas ahaan naloo soo dhowro. Xaaladeenna hoos ha loo soo eego. kuwo uur, kuwo umul ah, kuwa xanuunsan oo aan awooodin inay helaan adeeg caafimaad ayaa nagu jira, ayuu yiri Nuur.

Cabdiraxmaan Faliir Cumar oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska ergeyga gaarka ee arimaha abaaraha dalka oo socdaal uu ugu kuurgalayay xaaladda ay ku sugan yhiin qoysaskan ayaa sheegay in dadkaas haysan cunto, hoy iyo biyo. Wuxuu intaa ku daray in webiga uu u jiro laba kilo mitiri islamarkaana aysah haysan wax ay ku soo dhansadaan oo gaadiid ah.

Xigasho: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.